Puntland oo ku eedeysay Turkiga duqeymihii ka dhacay xeebaheeda

Wasiir ku xigeenka amniga Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana ayaa ku eedeeyay dowladda Turkiga duqeymihii ka dhacay xeebaha gobolka Nugaal ee ku dhinteen dhowr iyo tobanka qof.

Wasiir Dujaana oo wareysi gaar ah siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in uu duqeymahaas gaystay Turkiga, isaga oo aan xusin waxa ay ahayd cidda lala beegsaday.

Wuxuu sheegay in Puntland aysan wax xiriir ah la lahayn Turkiga, iyo in khilaafka siyaasadeed ee Puntland iyo dowladda federaalka uu adkeeyay dagaalka ka dhanka ah burcad-badeedda.

Wasiir Dujaana ayaa intaas ku daray in ay Puntland qabatay dad dibadda ka yimid oo watay qalabka GPS-ka iyo kombiyuutarro loo adeegsanayay la socodka maraakiibta boqollaal mayl u jirta xeebaha.

Burcad-badeedda ayaa xeebaha Puntland ku haysta lix markab oo lagu magacaabo Honour 25, Sward, Eureka, Asana, Lutuf iyo Seamull, kuwaas oo ay ka dalbadeen lacago madaxfurasho.

PUNTLAND POST