
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta booqasho ugu ambabaxay dalka Qatar, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda dalkaas, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegay in ay daarran tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Qatar iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta arrimaha bulshada.
Ra’iisul Wasaare Xamse, ayaa inta uu ku sugan-yahay dalka Qatar waxa uu kullamo la qaadan doona madaxda ugu sarreysa dowladda Qatar.
PUNTLAND POST