
Puntland ayaa shaacisay in degmooyinka Gaalkacyo, Eyl, Bareeda iyo Buraan ee gobollada Mudug, Nugaal, Raascasayr & Haylaan ku guuleysteen mashruuca Bulsho ee Bangiga Adduunka.
Mashruucan oo ay ku baxayso lacag dhan lix milyan oo doolar waxaa la sheegay in ay soo codsadeen 19 degmo, islamarkaana lagu kala xereeyay xirmooyinka A, B iyo C, iyada oo lagu kala saaray shuruudaha hagaya mashruuca.
Xirmada A waxaa ku guulaystay degmada Buraan, halka xirmada B ay ku guulaysteen degmooyinka Bareeda iyo Eyl, sidoo kale xirmada C waxaa ku guulaystay degmada Gaalkacyo.
Ugu dambayna, wasiirka arrimaha Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa 20 Agoosto, 2026 saxiixay degmooyinka ku guulaystay xirmooyinka kala duwan ee mashruuca Bulsho.

