
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo weli ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Puntland ee ku sugan degmada Saaxo ee gobolka Mudug.
Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee Gaalkacyo kulan kula qaatay qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Puntland ee ku sugan degmada Saaxo ee gobolka Mudug”.
Qoraalka laguma xusin waxa ay wadahadleen madaxweyne Deni iyo saraakiisha ciidanka Puntland ee ku sugan degmada Saaxo, hase ahaatee waxaa loo badinayaa in ay ka wadahadleen difaaca Puntland iyo daryeelka ciidamada.
Kulanka waxaa madaxweyne Deni ku wehelinayay taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka daraawiishta Puntland ee gobolka Mudug, G/Sare Sharmaarke Sheekh-doon Aadan Bare.
Madaxweyne Deni oo muddo labo todobaad ah ku sugan gobolka Mudug ayaa inta badan kulamo la qaadanayay saraakiisha kala duwan ee ciidamada Puntland.
PUNTLAND POST