Ciidan ka tirsanaa Somaliland oo u goostay Waqooyi Bari

Ciidan ka tirsanaa maamulka Somaliland oo ku sugnaa deegaanka Yubbe ee goboka Sanaag ayaa maanta u wareegay maamulka Waqooyi Bari.

Ciidankan oo hoggaaminayay sarkaal lagu magacaabo Cali Axmed Ismaaciil (Ashkato) ayaa gaaray deegaanka Fiqi-fuliye ee gobolka Sanaag oo ka taliye maamulka Waqooyi Bari, halkaas oo lagu soo bandhigay.

Sarkaal ciidankan hoggaaminayay oo hadal jeediyay ayaa sheegay in uu ka tanaasulay aragtidii Somaliland, islamarkaana uu u soo waraagay maamulka Waqooyi Bari.

Ciidankan waxaa la sheegay in laga dhigi doono ciidan hoostaga dowladda federaalka Soomaaliya oo laga qorayo deegaannada maamulka Waqooyi Bari.

PUNTLAND POST