
Koox burcad-badeed Soomaali ah ayaa shalay Badweynta Hindiya ka afduubtay markab ganacsi oo ku gooshayay calanka dalka Cameroon.
Kooxda markabkan qabsatay ayaa hore xeebaha gobolka Mudug ugu haystay markab ganacsi oo lagu magacaabo MV Sward, kaas oo ay qabasadeen bishii Abriil ee sanadkan.
Markabkan oo aan weli la xaqiijin shaqaalaha saaran waxaa lagu weeraray markabka Sward iyo sixiimado dheereeya, isaga oo noqonaya kii shanaad oo sanadkan gudihiisa u gacangala kooxaha burcad-badeedda, kuwaas oo dhammaantood lagu haysto xeebaha Puntland.
Burcad-badeedda Soomaalida ayaa adduunka gilgilay intii u dhaxaysay 2008 iyo 2018, kaddib muddo uu hoos u dhacay dhaqdhaqaaqooda wuxuu markale dib u soo kordhay dabayaaqadii sannadkii 2023-kii.
PUNTLAND POST