
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta soo gaaray koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, isaga oo socdaal dhulka ah saaka kaga soo ambabaxay magaalada Cadaado oo uu xalay ku hoyday.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay galbinayeen gaadiid ciidan oo farabadan waxaa soo dhaweyn loogu sameeyay garoonka ciyaaraha Cabdullaahi Ciise ee koonfurta Gaalkacyo, halkaas oo uu kula hadlay dadkii soo dhaweeyay.
Dhanka kale Puntland ayaa adkaysay ammaanka dhinaceeda Gaalkacyo, iyada oo joojisey isku socodka labada dhinac, waxayna socdaalkan madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaantay mid amniga darro ka abuuraya magaalada.
Dhawaan magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac badan, kaas oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo ciidamo ka tirsan dowladda federaalka.
PUNTLAND POST