Puntland oo ka digtay safar Xasan Sheekh ku imanayo Galmudug

Puntland ayaa ka digtay safar la xiriira arrimo ciidan oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku imanayo Galmudug, iyada oo ku eedeysay in uu colaad ka hurinayo magaalada Gaalkacyo.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu safar ku imanayo koonfurta Gaalkacyo, kaas oo ujeedadiisa lagu tilmaamay mid colaad lagaga hurinayo magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maalmaha soo socda xero ku taalla deegaanka Xanan-buure ee gobolka Galgaduud tababar ugu soo xiri doonaa ciidan ka tirsan dowladda federaalka.

Xerada Xanan-buure waxaa dhawaan gaaray ciidamo ka tagay Puntland, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo kala ah PSF iyo ciidankii ka guuray xerada Barda-dheere.

Puntland oo dhawaan magaalada Gaalkacyo dagaal kula gashay ciidan ka tirsan federaalka waxay xoojisay difaaceeda gobolka Mudug, iyada oo maalmihii la soo dhaafay la arkayay ciidamo cusub oo ku soo biiray.

PUNTLAND POST