Puntland: Siyaasiyiin iyo aqoonyahano soo saaray baaq

Golaha Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka Puntland oo war-murtiyeed soo saaray ayaa ku baaqay in xal nabadeed oo deg deg ah lagu dhammeeyo xiisadda ka taagan deegaanka Kodmo degmada Rako-raaxo ee gobolka Karkaar.

Goluhu wuxuu maamulka kula taliyay in uu xal u helista arrintaas kala tashado odayaasha deegaanka, islamarkaana laga fogaado dhiig daata iyo iska hor-imaad hubaysan oo mar kale dhaca Puntland.

Sidoo kale, Goluhu wuxuu ka digay in khilaaf gudaha ah uu fursad siin karo kooxaha argagixisada ah ee weli ku dhuumaaleysanaya buuraha Calmiskaad.

Goluhu wuxuu sheegay in hub-ka-dhigis kasta oo la sameeyo ay u baahan tahay heshiis bulsho, wadatashi loo dhan yahay iyo shuruuc cad oo hagta.

Goluhu waxa uu ugu baaqay waxgaradka, culimada, ganacsatada, siyaasiyiinta iyo qaybaha bulshada in ay ka shaqeeyaan nabadda, midnimada iyo jiritaanka dowladnimada Puntland.

PUNTLAND POST