Madaxweyne Deni oo la kulmay Ugaas Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta safar ku tagay degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa la kulmay Ugaaska beesha Leelkase Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed oo ka mid ah isimada dhaqanka Puntland.

Madaxweyne Deni iyo Ugaaska waxaa la sheegay in ay wadahadleen arrimo ay ka mid yihiin xaaladaha nabadgelyada iyo horumarinta degmada Galdogob iyo guud ahaan gobolka Mudug.

Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed waxa uu maalmo ka hor dhameeyay xiisad u dhaxaysay Puntland iyo ciidamo sheegtay in ay ka tirsan yihiin federaalka oo ka soo jeeday degmada Galdogob.

Puntland oo la wareegtay ciidamadaas ayaa sheegtay in lagu biirinayo qaab-dhismeedka rasmiga ah ee ciidanka, islamarkaana la gelinayo tababar iyo dib-u-habayn ciidan si loo waafajiyo nidaamka, anshaxa, habraacyada iyo silsiladda taliska.

PUNTLAND POST