
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa maanta u safar ku tagay degmada Galdogob ee gobolka Mudug.
Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa in uu halkaas kula kulmo Ugaaska beesha Leelkase Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Galdogob, kuwaas oo ay wada hadli doonaan xaaladaha amniga iyo horumarinta degmada.
Safarka madaxweyne Deni ee Galdogob wuxuu yimid, iyada oo maalin ka hor ay Puntland magaalada Gaalkacyo kula wareegtay ciidamo ka soo jeeda degmadaas oo hore u sheegtay in ay ku biireen federaalka.
Galdogob oo ah magaalo xuduudeed muhiim ah waxaa lagu wadaa in ay dhawaan hesho mashruuc lagu dhisayo laami xiriiriya iyada iyo magaalada dekedda leh ee Garacad, kaas oo ay sahamintiisu socoto, sida uu hore u sheegay wasiirka maaliyadda Puntland Maxamed Faarax Maxamuud.
PUNTLAND POST