Taliyihii NISA ee gobolka Gedo Cabdirashiid Janan ayaa maanta ku dhawaaqay in uu ku biiray Jubaland, kaddib wadahadallo muddo u socday isaga iyo muumulka madaxweyne Axmed Madoobe.
Cabdirashiid Janan oo hadal u jeediyay ciidamo isaga ka amarqaata ayaa sheegay in ay mas’uuliyiinta Jubaland ka heshiiyeen kala aragti duwanaantii dhimac kasta, islamarkaana aysan jirin cid dambi loo haysto.
Wuxuu sheegay in ciidamada uu hoggaamiyo ay xaquuq ka waayeen dowladda federaalka oo ay ka diiwaangashanaayeen muddo sanad ah.
Janan in uu ku biiro Jubaland waxay dowladda federaalka Soomaaliya uga dhigan tahay in uu gacantooda ka baxay gobolka Gedo oo ay qarsheynaysay in ay dhawaan ka qabato doorasho gole deegaan oo qof iyo cod ah.
PUNTLAND POST