
Puntland waxay maanta ku jirtaa marxalad dhaqaale oo adag, taas oo ay isku biirsadeen arrimo gudaha iyo dibadda ka yimid. Sicir-bararka caalamiga ah, hoos u dhaca gargaarka iyo maalgelinta dibadda, abaaraha daba dheeraaday, shaqo la’aanta sii kordhaysa, iyo gaabiska koboca dhaqaalaha ayaa si toos ah u saameeyay nolosha shacabka iyo awoodda ganacsiga.
Bulshada ku dhaqan Puntland waxa ay wajahayaan koror joogto ah oo ku yimid qiimaha maciishada, shidaalka, gaadiidka iyo adeegyada aasaasiga ah, halka dakhligoodii dhabta ahaa uu sii yaraanayo. Isla mar ahaantaana, bulshada nugul, gaar ahaan reer miyiga, xoolo-dhaqatada, barakacayaasha iyo dhalinyarada shaqo-doonka ah, ayaa qaaday culayska ugu weyn ee xaaladdan.
Tan iyo sannadkii 2025, hoos u dhaca gargaarka caalamiga ah iyo hakadka ku yimid mashaariic badan oo horumarineed waxay yareeyeen fursadaha shaqo, wareegga lacagta iyo maalgelintii bulshada. Waxaa sidoo kale yaraaday lacagihii ay qurbajoogtu usoo diri jireen qoysaskooda iyo maalgashigii ay ku samayn jireen Puntland, taas oo sii wiiqday dhaqaalaha gudaha.
Dhanka kale, abaaraha soo noqnoqday waxay dhaawac culus gaarsiiyeen dhaqaalaha xoolaha oo laf-dhabar u ah nolosha reer miyiga. Qoysas badan ayaa galay deymo si ay u daboolaan kharashaadka biyaha, calafka iyo badbaadinta xoolahooda, halka dakhligii ay ka heli jireen iibka xoolaha iyo caanuhuna uu si weyn hoos ugu dhacay.
Xaaladdan adag waxay u baahan tahay siyaasad dhaqaale oo taxaddar leh. Marka dhaqaaluhu gaabis yahay, culays kasta oo dheeraad ah oo lagu kordhiyo ganacsiga iyo shacabka wuxuu yeelan karaa saameyn ka ballaaran dakhliga la filayo. Cashuuruhu waa aalad muhiim u ah dowladnimada, balse waa inay la socdaan koboca wax-soo-saarka, maalgashiga, shaqo-abuurka iyo tayeynta adeegyada bulshada. Haddii kale, culayska cashuurta wuxuu kordhin karaa qiimaha maciishada, hoos u dhigi karaa tartanka ganacsiga, yareyn karaa maalgashiga, isla markaana wiiqi karaa awoodda wax iibsiga ee shacabka.
Waxaa sidoo kale muhiim ah in siyaasadaha dhaqaale lagu saleeyo qiimeyn buuxda oo ku saabsan saamaynta ay ku yeelanayaan ganacsiga, Dekedda Boosaaso, suuqyada gobollada dhexe iyo xiriirka ganacsi ee Itoobiya. Go’aannada maaliyadeed ee aan lagu salayn falanqayn dhaqaale oo qoto dheer waxay halis u yihiin inay yareeyaan mugga ganacsiga iyo saldhigga cashuur-bixiyeyaasha, taas oo ugu dambayn dhaawici karta dakhliga dowladda lafteeda.
Dowladuhu ma dhismaan oo keliya marka cashuurta la kordhiyo; waxay xoog yeeshaan marka dhaqaaluhu kobco. Kobacaasna wuxuu u baahan yahay jawi dhiirrigeliya maalgashiga, xasilloonida siyaasadaha, ilaalinta tartanka suuqyada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo maamulka maaliyadeed oo hufan, isla xisaabtan leh.
Waxaa la gudboon Dowladda Puntland inay si joogto ah u qiimeyso saamaynta dhaqaale ee siyaasadaha cusub, gaar ahaan xilliyada ay bulshadu wajahdo culaysyo is-biirsaday. Hoggaanka dhaqaalaha wuxuu u baahan yahay qorshe cad oo isku dheellitiraya baahida dakhliga dowladda iyo ilaalinta awoodda ganacsiga iyo nolosha shacabka.
Bulsho culays dhaqaale la daalaa dhacaysa uma baahna oo keliya cashuur cusub; waxay u baahan tahay siyaasad dhaqaale oo soo celisa kalsoonida, dhiirrigelisa wax-soo-saarka, kobcisa maalgashiga, abuurta shaqooyin cusub, isla markaana ilaalisa awoodda wax iibsiga ee muwaadiniinta. Dowladda xooggan waxaa saldhig u ah dhaqaale xooggan, dhaqaale xoogganna waxaa dhisa siyaasad caqli ku dhisan, hufnaan iyo isla xisaabtan.
W.Q: Shukri Faarax Axmed