
Burburkii dalkeena ku dhacay waxaad moodaa inuu wax badan innaga baray waxa aan nahay, waxaa moodaa in qayb ka mid ah shakhsiyadeenna Soomaaliga ah oo innaga qarsooneyd aan hadda indhaha ku kala qaddnay oo aan ku baraarugeyno! Mid shaki iigama jiro, garashada, geesinimmada, deeqsinimmada, xil-kasnimmada, Soomaalinimmada, iyo mid ahaanshaha gaarka laynoo siiyay inay tahay haybad gaar ah oo Alle loogu mahad naqo! Haddii aan intaas haysano, oo dad keliya oo isku mid ah aan nahay, haddana waxaan gaarnay…waxaan gaarnay…waxaan gaarnay….!Aaaah!! Bal adigu qiyaas! Xaggee baan jognaa?! Waxaan gaarnay heer aan is qancin weyno laakiin aan ku qanacno shisheeyaha, iskaba dhaaf shisheeye e’ waxaan gaarnay heer Itoobiya aan ku qanacno! Hadda waa Itoobiya! Waa Itoobiya oo waa cadowga xaqiiqda ah, oo soo jireenka ah! Waa cadowga ilaa iyo maanta qayb dadka iyo dalka Soomaaliyeed ka mid ah guumeysanaya! Markaan is weyddiiyo sida aan ugu qanacnay Itoobiya; inay shirar inoo qabato, inay ina dhexdhexaadiso, inay tiraahdo waxaan ka qayb qaadanayaa sugitaanka ammaanka Soomaaliya! Waxaan dareemayaa Ceeb! Ceeb looma dhinto…side bay ku dhacday in Itoobiya oo aan naqaan cadaawaddeeda ay Soomaali ammaankeeda sugto? Waa laynoo garbo duubay cadowgeenna oo waxa Beesha Caalamka loogu yeero nidaamyo iyo qawaaniin ay inoo sameysatay baa laynagu oggoleysiiyay Itoobiya inay tahay xubin muhiim ah oo ka mid ah waxa Beesha Caalamka loogu yeero….Waxaase taas ka weynaa oo halista weyn ay ka imaaneysay KHaa’inmmada iyo damaca xun ee siyaasiga Soomaaliyeed ee ka soo dhex baxay burburka iyo nidaam darrada, dalka ku dhacday oo wax uu diidayo aan la arag si uu xaaladdas wax ugu noqdo…
Haa, bal xaaladaha iyo siyaasaddii 4tii sano ee Xasan SHiikh Max’ud lagu sheegay inuu madax-weynaha ahaa, maba ahaynee dib u fiiri, waxaa kuu soo baxaysa in ku talo galkiisu ahaa xaaladda uu dalku wajahayo iyo nadaamka dowladnimo ee jilicsan wax ku ahow, dhaqanka noocaas ah ee siyaasiga sida Xasan SHiikh Max’ud KHaa’inul wadanka ah waxaa ka dhasha dabeecad aysan caddeyn mabaadii’da siyaasadeed ee dalka, dabeecad uu dalka cadowgiisu ula simmanyahay dalalka jaalka la ah. Waxaa dabeecad ahaan samaysma xiriir aan heshiis u baahneyn oo uu dal kasta kaa sameysan karo, waana sida uu xaalka Soomaaliya hadda yahay, waana qaabka iyo siduu ku bilaabmay xiriirka dowladda Turkiga ay la leedahay Soomaaliya ee furaha u noqday wajiga quruxsan iyo magaca weyn ee Turkiya ee qaaradda Afrika waayadan ku sii baahaya. Waa arrin qof kasta oo Soomaali ah uu ogyahay xiriirka labada dal wuxuu ka bilowday abaar aad u kulul oo Soomaaliya ka jirtay, markaasoo uu Rajab Diyib Erdogan oo xilligaas ahaa ra’iisal wasaaraha dalka Turkiga iyo xaaskiis ay August 19, 2011kii ka soo degeen magaallada Muqdisho. Waxay ahayd tallaabo aad u wanaagsan oo dadka Soomaaliyeed ay aad ugu farxeen, waxaana ka dhashay dareen weyn oo ay ku dheehantahay qalbi sammaan iyo dareen ah inuu ahaa gurmmad Muslimnimo ay horseedday, isla markiina waxaa muuqday han weyni ay dadka Soomaaliyeed u qabaan garab istaagga dowladda Turkiga.
Run ahaantii xiriirka waxaa bilaabay waliba si xawli ah dadka Soomaaliyeed oo baahidii ay u qabeen dal ay ku kalsoonaadaan oo xiriir sokeeye ay kala yeeshaan dalalka caalamka ka dhex arkay Turkiga, hasa ahaatee dhinaca Turkiga waxaa ka muuqday inuusan qorshihiisu ahayn inuu xiriir heer laba dowladood ah la yeesho Soomaaliya, laakiin uu isu arkayay ka xubin ahaan Beesha Caalamka inuu saami iyo saameyn ku yeesha kheyraadka la boobayo ee Soomaaliya, ujeeddada xiriirkiisana sida hadaba ka muuqata dhaqankiisa damacaas buu salka ku hayay. Waxayna dowladda Soomaaliya si degdeg ku jiro u wafaaqday oo aysan ka fiirsan soo jeedin kasta oo dowladda Turkiya uga timid, iyadoo uu fahamkeedu yahay inay heshay dowlad run ahaantii garab istaageysa, iyadoo xaqiiqdu ay sidaas ka duwantahay oo dhaqanka dowladda Turkigu uu ahaa oo keliya inay Soomaaliya tahay il dhaqaale iyo goob istaraatiij ah oo u soo korodhay dalkiisa, waxaana illaa iyo hadda sidaas ku socda oo taabo gal ku noqday xiriirka ay labada dal leeyihiin illaa heer ay labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliyeed, bishii February 21, 2024kii ay ansixiyeen heshiis aysan aqrin oo aysan arag oo ahaa iskaashi dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha ah, kaasoo uu wasiirkii hore ee Gaashaan-DHigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur hadana ah wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda uu dalka Turkiga kula soo saxiixday wasiirka Gaashaan DHigga dalkaas.
Wax muran ah kuma jiro inay Soomaaliya aad ugu baahneyd ilaa manatadanna ay wali raadineyso dal garab istaaga, oo buuxin kara sifayaal kuwa ay Turkiga ugu xilatay oo kale ah si ay ugu kalsoonaato, waxayna rumeysneyd inay ka heleyso taageero dhan kasta ah siiba xagga dowlad dhiska iyo dammaanad qaad xagga ammaanka ah. Waxaase mar kasta jiray dareen shaki ku salaysan oo shacabku ka qabay nooca iyo dhaqanka xiriirka Tukiga, kaasoo markiisa horaba ku ekaa magaallada caasimadda ah ee Muqdisho, halkaasoo uu siduu doono iyo wixii uu doono si shuruud la’aan ah uga helay haddii ay tahay sal-dhig ciidan iyo haddii ay tahay mashaariic dhaqaale iyadoo aysan jirin haba yaraatee wax uu dib ugu soo celiyo shacabka ama adeeg bulsho oo uu ka fuliyay magaallada caasimadda ah ee uu sidii meel uu qabsaday isugu koobay. Waxaa iyadana xusid mudan in dhowr meelood uu magaallada Muqdisho ah uu ka furay iskuulo uu isagu leeyahay oo aysan dadka waxba kala socon nidaamkooda, iyo waxa manhajkoodu yahay, warka laga hayana uu yahay mid iska kooban sida in caruurta yar-yar la baro heesta callanka Turkiga, iyo in afka Turkiga wax lagu baro ilmaha iyadoo waliba lacag laga qaadayo.

Dareenka iyo shakiga laga qabo hab dhaqanka xiriirka siyaasadeed ee Turkiga ayaa mar keliya si dhab ah wuxuu u soo shaac baxay markii uu Erdogan dhex galay xiisaddii Itoobiy iyo Soomaaliya, ee ka dhalatay damac waalida ee guumeystaha Itoobiya ee qayb ka mid ah badda Soomaaliya markaasoo uu si bareer ah u dhiiri geliyay damacaas. Waxaa iyadana xusid mudan in siyaabo uu hoos u dhigayo mudnaanta haybadda qaran ee dalka uu ula dhaqmo siyaasiyiinta iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkiisa ku nool; haddii ay yihiin arday wax ka barata dalkooda iyo haddii ay yihiin ganasato. Turkigu wuxuu si aad ah u dhex galay madaxda dalka si aad uga baxsan anshaxa iyo xiriirka diplomatsiyadda, xataa waxaa jirtay in horay loo arkay safiirka Turkiga oo la shiray xubno qoyska Xasan SHiikh Max’ud, taasoo ku tusaysa inuu jiro xiriir gaar ah iyo dano gaar ah oo ka dhexeeya labada dhinac.
Xiriirka noocaas ah wuxuu kor u qaaday walaaca iyo tuhunka laga qabo sida madaxda dalka ay uga madax bannaanyihiin dowladda Turkiga, iyadoo dhinaca kalana uu joogitaanka Sir-Doonka Turkiga iyo galaangalka uu u leeyahay xafiisyada dowladda uu yahay mid iska furan oo aysan jirin wax xaddidaya. Waxaa iyadana jiray walina in badan oo ka mid ah siyaasiyiinta iyo wax garadka dalka ay rumeysanyihiin inuu jiro xiriir gaar ah oo ka dhexeeya Xasan SHiikh Max’ud iyo Dayib Rajab Erdogan, kaasoo Xasan SHiikh Max’ud lagu siinayo taageero buuxda oo Turkigu ku garab istaagayo Xasan SHiikh Max’ud si xukunka dalka xoog ugu sii haysto, waana sababtii keentay in mucaaradka ay bishii April 23, 2026, ay la kulmaan Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho, waxaa kaloo aan tuhunka ka marneyn xubno ka mid ah golaha fulinta, gaar ahaan wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo isagu loo haysto xubin muhiim ah oo u shaqeeyo hay’adda Sir-Doonka Turkiga, in kasta oo aysan jirin wax cadeyn ah oo arrintan la xiriira hadana waxay cadeyn u tahay tuhunka ay dadka Soomaaliyeed ka qabaan fara gelinta Turkigu ku hayo dalka Soomaaliyeed.
Guud ahaan xiriirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa waxaa la oran karaa inuu yahay mid ay aad u hareysay is moodsiin aan xaqiiqo ku dhisneyn oo ay ka muuqato yaraanta aqoonta uu dadka Soomaaliyeed u leeyahay. Waxaa wax yaab leh ah iyadoo Sir-Doonka Turkiga uu goob joog u yahay xaaladaha dalka ka socday; boobkii dhulalka iyo guryihii dadka, iyo xiisadaha ka bilowday khilaafkii ka dhashay bedelaaddii dastuurka iyo muddo kororsiga Xasan SHiikh, isla markaasna awood u lahaa in uu dhinacyada kala dhex gelo uusan talaabo qaadin laakiin uu hadda markii ay talo faro ka baxday ay dowladdii Turkiga mar kale soo dirtay Sir-Doon hor leh oo maxay qabanayaan?! Waxaa arrin laga shakin karo ah kaalinta Sir-Doon uga bannaan dagaal noocaan ah marka uu dal ka dhaco, keliya waxaa loo qaadan karaa inay labada dhinac ee dagaalsan midkood ay gacan ka siinayaan talooyinka iyo hawlaha sir-doonimo, waxaana aad loo hadal hayaa in Sir-Doonka Turkiga uusan ka shaqeyn doonin in colaadaha la damiyo laakiin loo soo diray inay Xasan SHiikh Max’ud caawiyaan, inay odorasaan oo daraasad ku sameeyaan inay badbaadin karaan oo xukunka lagu heyn karo Xasan SHiikh, in haddii aysan taas suuro geleyn ay dhinaca ka soo hor jeeda ay ka soo saaraan qofka u bedeli kara!
Xiriirka Xasan SHiikh Max’ud iyo Erdogan ayaa dabeecad ahaan la mid ah midka u dhexeeya Xasan SHiikh Max’ud iyo Ismaaciil Cumar Geelle, waxaan jirta in Xasan SHiikh Max’ud uusan labadaas nin ula dhaqmin sidii inuu dal mas’uul ka yahay ama uu dano ummadeed hortooda wakiil uga yahay, laakiin uu ula dhaqmo si ay ka muuqato inuu isu liidayo isagoo dano gaar ah ka leh isla markaasna aan waxba ka diidi kareyn. Mar haddii ay sidaas tahay, oo dhaqanka siyaasadeed ee Turkiga ee ku aaddan siyaasadda iyo xiriirka uu la leeyahay Soomaaliya isna sidaas yahay, waxaa shacab weynaha Soomaaliyeed la gudboon inay khataraha Sir-Doonkaas ka imaan kara ka digtoonaadaan siiba si gaar ah xubnaha mucaaradka ah.
Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan