DIB-U-EEGISTA IYO HORUMARINTA MANHAJKA WAXBARASHADA AASAASIGA AH EE SOOMAALIYA: Ma Qaabayn Doontaa Mustaqbalka Waxbarashada Soomaaliya?

W.Q. Cabdiraxmaan Shiikhdoon

abdirahman.sh.ali@gmail.com

Hordhac

Manhajku waa laf-dhabarta waxbarashada oo horseed u ah horumarka bulshada, dhaqaalaha, tiknoolajiyada, cadaaladda, iyo in ay bulshadu ku naalooto in ay dhisato mustaqbal wanaagsan. Manhajku waxaa uu hagaa baraha, sidoo kale waxa uu qaabeeyaa sida uu ardaygu u fekerayo, iyo sida uu mustaqbalka noqonayo. Bulshooyinka casrigaan jooga waxaa soo food saaray horjoogsiyo badan oo la xiriira deegaanka, is-bedelka cimilada, amniga, dhaqanka, dhaqaalaha iyo caafimaadka. Sidoo kale, is-bedelka tiknoolajiyada cusub iyo garaadka magalootiga ah (AI) oo horjoogsi ku noqday hab-dhaqankii soo-jireenka ahaa ee shaqada iyo nolosha. Haddaba, haddii caruurta maanta wax loo baro sidii ay waalidkood ay shalay wax u soo barteen, ma noqonayaan kuwo u diyaarsan la qabsiga mustaqbalka il-biriqsiga isku bedelaya? Sidaas darteed ayaa dalal badan waxa ay mudnaan gaar ah siiyeen dib-u-eegista iyo horumarinta manhajka, taas oo ah tubta ay caruurtooda ugu gudbin karaan aqoonta, hab-dhaqanka, xirfada iyo kartida loo baahan yahay qarniga 21-aad. Sida muuqata, dalalka geeska Afrika iyo dalalka ku bahoobay bulshada geeska Afrika, waxa ay sannadadii ugu dambeeyey is-bedel ku sameeyeen manhajkooda waxbarashada aasaasiga ah iyo nidaamka waxbarashada aasaasiga ah. Kuwaas oo u digo-rogtay manhajka kartida ku dhisan (competency-based curriculum), kaas oo ah mid ku salaysan xirfada, fahanka iyo fulinta iyo nidaamka waxbarashada 6+3+3. Haddaba, Soomaaliya oo ka mid ah dalalka geeska Afrika iyo dalalka ku bahoobay bulshada geeska Afrika, ma ka hari kartaa hayaanka ay sameeyeen dhigeedu (ologeedu), weliba iyada oo maamul ahaan, iyo deganaansho ahaan ka hooseeyaa dalalka kale?

Dhowaan (29/04/2026) ayey wasaaradda waxbarashada ee dawlada Faderaalka ee Soomaaliya magacawday guddiga dib-u-eegista iyo horumarinta manhajka waxbarashada dugsiyada aasaasiga ah (fasalka 1-12) ee Soomaaliya. Shaqada guddigan loo asteeyey waa dib-u-eegista iyo hurumarinta manhajka dugsiyada hoose-dhexe iyo sare ee dalka, taas oo ah shaqo baaxad weyn oo aan wax badan dhaamin ban-ka-unug, maadaama ay tahay markii ugu horeysay ee ay wasaaradda waxbarashadu dib-u-eegis ku samaynayso manhajka waxbarashada aasaasiga ah oo muddo 10 sanno ku dhow la fulinayey.

Milicsiga Nidaanka Waxbarasho iyo Manhajka ee Soomaaliya

Sida wadamo badan oo Afrika ka mid ah, waxbarashada nidaamiga ah ee Soomaaliya waxa ay salka ku haysaa waxbarashada laga dhaxlay gumaysiga ee ku salaysnayd danaha gumaysiga. Markii ay Soomaaliya xoriyada qaatay, horjoogsiyada ay kala kulantay waxbarashada waxaa ka mid ahaa midaynta nidaamka waxbarasho ee ka kala jiray Koonfurta iyo Waqooyiga oo ku kala duwanaa xagga nidaamka waxbarashada, (Koonfurta, 12 sanno, Waqooyiga 11 sanno), Afka waxbarashada iyo siyaasadda iyo falsafadda waxbarashada. Markii ugu horeysay waxa la mideeyey nidaamka waxbarashada ee Jamhuuriyadii Soomaaliya, kaas oo laga dhigay 4+4+4= 12 sanno (kan ilaa iyo maanta lagu dhaqmo), iyo afka waxbarashada oo ahaa in dugisga hoose wax looga barto afka Carabi iyo in dugsiga dhexe iyo sare wax lagu barto afka Ingiriisiga, taas oo si buuxda u hirgashay sannadkii 1967, ka dib markii ay ardaydii wax ku baran jirtay afafka kale ay dhameeyeen waxbarashadii dugisiga dhexe. Dawladdii rayadka ahayd waxa ay waxbarashada ka bedeshay nidaamka iyo afka waxbarashada oo keliya. Dawladdii kacaanka, ayaa markii la qoray af-Soomaaliga soo rogtay in dugsiyada aasaasiga ah wax looga barto af Soomaaliga, waxaana gebi-ahaan la bedelay manhajka waxbarashada. Sidoo kale, sannadkii 1975/76 ayey nidaamka waxbarashada ka dhigtay 3+3+4= 10 sanno, si mudo kooban loogu soo saaro cudud shaqo u diyaarsan. Hase yeeshee, sannadkii 1980/81, ayey dawladdii kacaanku dib u soo celisay nidaamkii waxbrasho ee 4+4+4= 12 sanno. Sannadkii 1983-dii ayaa dawlada Soomaaliya horumarin ku saamaysay manhajka iyo buugga ardayga ee waxbarashada aasaasiga ah. Sannadkii 2005-tii ayaa UNESCO ku daabacday dalka Kiinya buugga adrayga ee dugsiga Hoose-dhexe, iyadoo ku samaysay wax ka bedel manhajkii hore ee Soomaaliya. Somaliland (1996-2019) iyo Puntland (2015-2020) ayaa mid kasta samaystay manhaj iyo buugga ardayga u gooni ah, kuwaas oo ilaa iyo maanta laga dhigo dusiyada hoos yimaada maamuladaas. Sidoo kale, dawladda faderaalka ayaa bartamihii sannadkii 2018-dii samaysay manhajka waxbarashada aasaasiga ah, iyada oo daabacday buugga ardayga ee fasalada 1 ilaa 4-aad, ka dib waxa xigtay in la qoro buugaagta dugsiyada dhexe iyo sare, kaas oo laga fuliyo dhammaan degaanada Soomaaliya ee ka baxsan Somaliland iyo Puntland. Manhajka hadda loo magacaabay guddiga dib-u-eegistu waa manhajka ay dejisay dawaladda faderaalka ah.

Dhigaalada Qotonka u ah Dib-u-Eegista iyo Horumarinta Manhajka

Waxa jira dhigaalo (documents) qoton u ah dib-u-eegista iyo horumarinta manhajka oo raad ku leh sida wax looga bedelo iyo guusha wax-ka-bedelka manhajka. Qoraaladaas waxaa ka mid ah agartida fog ee dalku leeyahay, taas oo hogaaminaysa dhammaan horumarka dalka. Sidoo kale waxa qoraaladaas ka mid ah “Xeerka Waxbarashada” oo ah sharciga aasaaska u dhiga dhammaan nidaamka waxbarashada ee dal leeyahay. Tusaale ahaan da’da heerka waxbarashada, afka wax lagu barto, mudada heerarka waxbarashada, iyo qodobo kale waxaa jaangooya xeerka waxbarashada, kuwaas oo dhammaantood xiriir toos ah la leh manhajka iyo wax ka bedelkiisa. Siyaasadaha waxbarashada iyo manhajka ayaa saldhig u ah wax ka bedelka iyo horumarinta manhajka. Sidaas darteed, waxaa lagama maarmaan ah, in la qiimeeyo jiritaanka qoraaladaas iyo sida ay u bari-taari karaan dib-u-eegista iyo horumarinta manhajka. Haddaba, siyaasadda waxbarashada ee dalku ma tahay mid horseedi karta horumarinta manhajka? Haddiise aysan si xoogan u hagi karin, sow ma haboona in siyaasadda waxbarashada la xoojiyo, maadaama ay tahay aasaaska waxbarashada? Tusaale, ahaan dalka Ruwaanda, oo dib-habayn balaaran ku samaayey waxbarashadeeda, gaar ahaan, manhajka, afka waxbarashada iyo nidaamka waxbarashada, ayaa siyaasadda waxbarashadu waxa ay ahayd midda hagta afka waxbarashada. Sannadkii 1996, afka waxbarashada ee fasalka 1-aad ilaa 3-aad, waxa uu ahaa afka dalkaas ee Kinyarwanda, ka dib dhowr jeer ayaa la bedeley afka waxbarshada, ilaa sannadkii 2019-ka afka waxbarashada laga dhigay Ingiriis, ka dib markii ay dalka Ruwanda ka taabo gashay adeegsiga afka Ingiriiska. Halkaas waxaa laga dheehan karaa in siyaasadda waxbarashadu ay ahayd hogaanka manhajka iyo nidaamka waxbarashada, taas oo markasta wax ku salaynaysay, baahida bulshada ama ardayga iyo kartida baraha. Dhinaca kale, wax-ka-bedelka xeerka waxbarashadu waxa ay u baahan tahay sharciyada ansixisa iyo waqti looga doodo, oo looga baaraan dego. Doodani, waxa ay furaysaa muhiimada in dib loo milicsado qoraalada saldhiga u ah manhajka, si wax loogu dhiso sees xooggan.

Gadgadoonka Manhajka (Flexibility of Curriculum)

Arrinta doodda togan u baahan waa su’aasha ku saabsan dalku ma waxa uu u baahan yahay manhaj rogrogmi kara? Inta badan kala duwaanta manhajka waxa keena, kala duwanaanta diinta, dhaqanka, afka, aragtida siyaasadda, iyo baahida bulshada ee dalka. Marka la tixgeliyo arrimahaas, waxaa muuqanaysa in aysan Soomaaliya u baahnayn manhajyo kala duwan, maadaama ay Soomaaliya ka maqan yihiin waxyaabaha keena in loo baahdo manhajyo kala duwan. Nidaamka faderaalka ee ay Soomaaliya ay qaadatay ayaa keeni kara kala duwanaansha manhajka, in kasta oo dastuurka dhowaan la ansixiyey uu qorayo in ay dawladda faderaalka u xilsaaran tahay dejinta manhaj waxbarasho oo mideysan oo laga fuliyo dhammaan dugsiyada dalka. Dhinaca kale, wadanka oo hal manhaj leh, haddana manhajku ma yeelan karaa dabacsanaan ah in ay kala duwanaadaan casharada qaarkood, taas oo ka jawabaysa kala duwanaanshaha khayraadka gobolka. Tusaale ahaan, barashada khayraadka sida beeyada, xoolaha, kaluunka iyo beeraha, ma loo ogolaankaa deegaan gaar in uu xoogga saaro khayraadka deegaankiisa ku badan yahay. Manhajyada dalalka qaarkood, waxa ay muujiyeen dabacsanaan ah in deegaanada qaarkood ay dugsiyada ku baran karaan waxyaabaha u gaarka ah, halka kuwo kalena, ay furaan kala doorasho labo buug oo maado oo keliya ku saabsaan, taas oo ka jawaabaysa kala duwanaanshaha baahida bulshada. Sidoo kale, ardayda ku hadasha af-guriga “Mayga”, waxaa dhibaato badan ka haysataa barashada suggaanta ku qoran af-guriga “Maxaatiri”. Dhowaan mar aan tababar 100 macallin ugu qabtay magaalada Baydhabo, ayaan weydiiyey dhibaatada ugu weyn ee ay kala kulmaan wax barista ardayda. Macalliinta maadada Soomaaligu, waxa ay sheegeen in dhibta ugu weyn ay ka haysayo barashada suugaanta, gaar ahaan ardayda aan iyaga, iyo waalidkood toona ku hadlin af-guriga “maxaa-tiri”. Waayadan waxaa soo baxday taariikh ay Soomaalidu kala leedahay oo gobol kasta uu doonayo in uu qoro taariikhdaas, bal u fiirso magacyada garoomada magaalooyinka waaweyn ee dalka, sida Aadan Cadde (Muqdishu), Sayid Maxamed (Kismaayo), Maxamed Shaati-Gaduud (Baydhabo), Ismaaciil Mire (Buhoodle), Col. Cabdilaahi Yuusuf (Gaalkacyo), Gen. Maxamed Abshir (Garowe), Maxamed Ibraahim Cigaal (Hargeysa), Ugaas Khaliif (Baled-weyne), iyo kuwo kale. Inkasta oo dhammaan dadka lagu magacaabay garoomada ay taariikh ku leeyihiin Soomaaliya mid guud iyo mid gaar ah, haddana, maxaa soo baxaya marka wax lagu akhriyo muraayadaha indhaha ee Soomaalida maanta xiran tahay? Si looga hortago xajiinta kala qobqobnaanta, ma haboon tahay, in fursad loo siiyo deegaanada in ay qortaan taariikh u gaarka ah. Dalal badan oo hal manhaj oo keliya leh ayaa haddana muujiyey dabacsanaan ah, in manhajka lagu samayn karo is-bedel aan wax u dhimayn midnimada manhajka, sida dalka Itoobiya oo qoomiyadaha kala duwan u ogolaatay in dugsiyada hoose wax looga barto afka hooyo. Sidoo kale, dalka Bakistaan ayaa muujiyey dabacsanaan ah in gobolada qaarkood qortaan buugga ardayga, iyaga oo raacaya muqararka dalka oo mid kaliya ah. Arrimaha maanta seeska u ah waxbarashada dunida, waxa ka mid ah daboolista kala duwanaanshaha iyo baahida bulshada (Inclusiveness), sidaas darteed manhajku ma yeelan karaa dabacsanaanta ay muujiyeen dalalka aan kor ku soo sheegnay, iyaga oo aan wax loo dhimin midnimada manhajka? Dhinaca kale, waxaa jira dad badan oo wax ku barta, farta loo yaqaan Braylka (Braille) iyo kuwo kale oo wax ku barata summadaha iyo tilmaanta (sign language), kuwas oo hadda meelo kooban wax ku barta. Arrintaas, waa mid u baahan in xisaabta lagu darsado oo uu manhajku tixgelin siiyo.

Sidee Manhajku u Qaabaynayaa Mustaqbalka Dalka?

Dalkasta marka uu bedelayo nidaamka waxbarashada dalka, waxa jira dhibaatooyin uu malaynayo iyo mustaqbal uu higsanayo. Sidoo kale, waxaa jira hal-ku-dhib dhaqaajinaya qorshaha dawlada si uu u xaliyo dhibaatooyinka jira, ugana dhabeeyso himilooyinka mustaqbalka. Markii la qoray af-Soomaaliya, dawladdii Soomaaliya waxa ay samaysay hal-kudhig ahaa “Bar ama Baro”, kaas oo qofka ku dhiirigelinay in uu wax barto ama dadka wax baro. Waxaa kale oo dawaladdii xilligaas samayay ololaha akhrista iyo qoraalka oo taariikhda Soomaalida baal dahab ah ka galay. Arrintaasi waxa ay ahayd falsafadda hagaysay shaqada baaxada weyn leh ee xilligaas la qabtay. Dawladdii rayadka ee Soomaaliya, markii ay waxbarasahda wax ka qabanaysay waxaa hagaysay “Aqoon la’aani waa iftiin la’aane”. Sidaas darteed waa in ay jirtaa falsafad hagta manhajka taasoo si cad u qeexaysa hanaanka iyo himlimada manahajka dalka. Dalka Ruwaanda oo ay dib-u-habaynta balaaran ku sameeyey nidaamka waxbarashada, kaas oo qayb weyn ka qaatay soo kabayashada dalkaas, ayaa dejiyey manhaj diiradda lagu saaray saddex qodob: (1) Nabadgelyada (2) dhaqaalaha iyo (3) la-saanqaadka dunida. Waxyaabaha uu manhajka dalkaasi daweynayey waxaa ka mid ah, isku-xirka bulshada iyo ka-soo-kabashada kala-irdhowga, daboolida xirfadyarida iyo baahida suuqa, iyo la-baratanka gobolka iyo dunida. Qorshaha fog ee dalkaas ayaa ah dhisida bulsho aan kala faquuqnay iyo dhaqaalaha ay aqoontu saldhiga u tahay.

Hadda, sidee manhajku Soomaaliya u xalin karaa dhibaatooyinka ka jirta dalka ee nabadgelyodarada, tabar-darida hay’adaha dawladda, dhaqaale-xumada, kala qobqobnaanta bulshada, habdhaqanka taban, iyo dhibaatooyinka la xiriira deegaanka, una horseedi karaa is-bedel dhaqaale, horumar bulsho iyo deganaansho? Jawaabta su’aashaan oo aasaas u noqonaynsa tiirarka manhajka, waa mid ka baaxad weyn aragtida qof ama koox, waana mid u baahan xog ururin balaaran. In kasta uu jiro xogogaal badan, haddana waxaa suurogal ah in ay xogi ka qarsoonaan karto iyo xalka meel kale ka iman karo.

Qaab-dhismeedka Manhajka iyo Nidaamka Waxbarashada

Qodobkan waxa uu ka hadlayaa labo arrimood oo kala ah :(1) maadooyinka lagu barto dugsiyada iyo nidaamka waxbarashada. Waxa jira maaddoyinka muhiim ah oo ku jira manhaj dugsiyada hoose-dhexe, hase yeeshee aan laga dhigin dugsiyada, sida farshaxanka iyo jirdhiska. Si loo yareeyo culayska imtixaanka iyo waqtiga waxbarashada, waxa laysku dari karaa labo maado sida farshaxanka iyo jirdhiska, Sayniska iyo Kumbiyuutarka, ama saddex maado. Arrintaas waxa ay keenaysaa in ay yareyso culayska imtixaanka iyo in ay balaariyso baaxada waxbarashada ardayga. Arrinta kale ee u baahan in wax layska weydiiyo waa kala qaybinta iyo magac u bixinta maadooyinka sayniska iyo cilmiga bulshada oo midiiba ay qaybo balaaran ka kooban tahay, si magacu u soo koobo ubucda wax la baranayo, uuna u xiiso-geliyo ardayga marka maadada dhow jabsin loo kala qaybiyey, sidoo kale waxa ay fududaynaysaa barashada. Tan kale, waxa ay keeni karaa, in labo jabsin oo ku saabsan maadada sayniska uu ardaygu u qaato si barabaro ah, taas oo yeelan karta hal imitixaan. Dhanica kale, waxbarashada dugsiga sare Soomaaliya, waxa uu ardaydu bartaa 12-13 maado, taas oo lahayn dabacsanaan uu ardaygu ku dooran karo maadooyinka uu baran karo oo uu xiisaynayo. Arrintaasi, waxa ay keeni kartaa dhibaatooryin badan oo ay ka mid tahay in aan ardaygu garan tubta xirfada shaqada (career path), taas oo loo baahan yahay in ardaygu xilli hore uu go’aan ka gaaro. Dalka Kiinya oo weli ku guda jira hayaanka uu ugu guurayo manhajka kartida ku salaysan (CBC), taas oo la filayo in uu idlaado dhammaadka sannadka 2027ka, waxa uu waxbarashada dugsiga sare ee qaybta labaad (senior secondary), u kala qaybiyey saddex qaybood oo kala ah: (1) Sayniska, Tiknoolajiyada, Injineerka iyo Xisaabta (STEM), (2) Cilmiga Bulshada, iyo (3) Fanka iyo Farshaxanka. Taas oo ardayga u sahlaysa in uu goor hore doorto tubta xirfada shaqada, taas oo ku salaysan hanka, himilada iyo hiwaayada ardayga. Tan kale, waxaa la qorsheey in ardaydu barto 7 maado oo keliya, kuwaas oo kala ah 4 asal ah (core subject) iyo saddex maado oo ku saabsan xirfada shaqo. Haddaba, sidee manhajku uga yarayn karaa culayska ardayda ka haysato waxbarashada dugsiga sare, oo loo siin karaa doorasho ku salaysan kartidiisa qof-ahaaneed, looguna hagi karaa tubta xirfada shaqada xilli hore. Su’aashu waxa ay tahay, sidee manhajku arrimahaas wax ug qaban karaa?

Dhinaca kale, hayaanka waxbarashada oo ah mid joogto ah ayaa keenaya in is-bedel lagu sameeyo nidaamka iyo manhajka waxbrashada. Nidaamka waxbarashada ee Soomaaliya, tan iyo xoriyadii dalka, waxaa la bedelay muddo kooban horaantii xilligii dawladdii kacaanka, taas oo meertada dugsi hoose-dhexe ka dhigtay 6 sanno. Dalal badan ayaa maanta ka guuray nidaamka waxbarashada ee ku salaysan 4+4+4. Inta badan, waxaa loo guuray nidaam soo koobaya muddada waxbarashada dugsiga hoose-dhexe(6 ilaa 7 sanno), dhinaca kalena, waxbarashada dugsiga sare u kala qaybinaya 2 qaybood (junior and senior secondary). Nidaamkan waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay mid xoojinaya xirfada shadaqada, dhisida kartida qofka, iyo doorashada xirfada shaqada. Tusaale, ahaan ardayga wax ku barta nidaamka 6+3+ 3, waxa uu helayaa fursad marku uu dhameeyo fasalka 9-aad ee heerka koowaad ee dugsiga sare in uu ku biiro dugsiyada farsamada gacanta, madaama uu yahay qof qaangaar ah. Sidoo kale nidaamkan waxa uu ardayga siinayaa in uu horey u doorto tubta xirfada shaqada, iyo xirfad shaqo oo uu ku barto dugsiga sare. Haddaba, Soomaaliya ma u baahan tahay in ay wax ka bedesho nidaamka waxbarashada mustaqbalka dhow ama fog? Guddiga dib-u-eegista manhajkuna ma u gogol xaari karaa arrintaas?

Dib-u-Eegista iyo Horumarinta Manhajaka

Waxaa fursadani timi waqti ku haboon, in dib-u-eegis iyo horumarin lagu sameeyo manhajka waxbarashada aasaasiga ah ee dawladda faderaalka ah ee Soomaaliya, kaas oo gun-dhig u ah tayada waxbarashada dalka. Maadaama aysan jiran ama ay aad u yar tahay cilmi-baarisyo saxan oo sugan oo laga sameeyey fulinta manhajka waxbarashada aasaasiga ah, waxaa lagama maarmaan ah, in la sameeyo cilmi-baaris balaaran oo si mug leh u soo saari kara gaabiska ka jira waxbarashada guud ahaan iyo manhajka gaar ahaan. Waxa kale oo cilmi-baaristu keeni kartaa in ay bulshadu ka talo bixiso nooca manhajka loo baahan yahay ee dabooli kara baahida dalka ee mustaqbalka. Gaar ahaan xogta laga helayo maamulka iyo macallimiinta fulisey manhajka (Ceel ninkii galay baa laga wareystaa). Nooca dib-u-eegistu iyo horumarintu noqonayso waa mid ku xiran qorshaha iyo dhaqaalaha loo qoondeeyey shaqadan, waxaase haboon in ay shaqadani noqoto mid dhammaystiran.

Dib-u-eegista iyo horumarinta manhajku waa in ay noqdaan mid ku salaysan baahida dhabta ah iyo aragtida bah-wadaagta waxbarashada ee dalka. Sidoo kale, waa in aysan noqon mid la soo min-guuriyey oo aan la saanqaadi karin baahida iyo dhaqanka bulshada. Marar badan waxaa Soomaaliya ka dhacday in marka la sameynayo siyaasadaha, shariciyada, iyo qoraallo kaleba, in laga soo min-guuro qolo kale. In kasta oo manhajka meelo badan layska soo amaahan karo, haddana, waxa jira meelo aan amah gelin karin. Dhammaadkii 2016-kii ayaan magaalada Muqdisho uga qayb galay shir lagu ansixinayo siyaasadda waxbarashada ee Soomaalia. Markii la soo bandhigay siyaasaddii, ayaan markiiba waxaan milicsaday, eray bixin badan oo aan ku jirin nidaamka waxbarashada ee Soomaaliya. Taasi waxa ay igu dhalisay in aan su’aalo weydiiyo, ninkii daadihinayay barnaamijka oo isagu sheegay inuu qoray siyaasadda waxbarashada, hase yeshee ima siin jawaab i shaafisa. Waxa igu adkaatay in aan su’aal kale dhiibto, weliba aniga oo arkaya goldoloolooyin fara badan, maaddaama aan dareemay inuu jiro khalad badan. Habeenkii ayaan qoraalkii ka baaray internet-ka, nasiib wanaag waxa aan helay, qoraalkii asalka ahaa ee siyaasadda waxbarasha oo ay leedahay Swaziland (2011). Maalintii labaad, markii la gaaray xilligii nasashada, ayaan si gaar ah ula kulmay ninkii hawsha waday. Si degan ayaan u wareystay aniga oo ugu horeyntii uga mahadnaqay fursadda uu i siiyey, ka dibna waxa aan weydiiyey, cidda diyaarisay siyaasadda, heerka aqoontiisa, ka dibna, waxaan farta ugu fiiqay meelo badan oo ay ku jiraan siyaasadda oo ka baxsan nidaamka waxbarashada ee Soomaaliya, ilaa aan uga sheegay in qoraalkaan meel kale laga soo qaatay. Intaas oo dhan, marna ma garaysan meelaha aan wax ka weydiiyey in uu mugdi ku jiro, ugu damabayntii markaan arkay inuu ka soo taagan yahay hogo-tusaalaynta aan siinayo, ayaan tusay asalka meesha ay ka timi siyaasadda uu soo bandhigay, taas oo ahayd dalka Swaziland. Intaas waxa aan ugu daray in uusan barxin,oo uusan il-tirin, oo uusan hufin oo haadin, ee keliya meeshii Swaziland ahayd uu ku bedelay Soomaaliya. Mar keliya ayaa hadalkii ku dhegay! Ugu dambayntiina waxaan kula taliyey, in ay siyaasaddani jeexayso mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed, sidaas darteed aysan u baahnayn siyaasad loo soo min-guuriyo iyo in uu dhowro sumcadda kaadirka Soomaaliyeed, maxaa yeelay, hay’adda u dirtay shaqada waxa ay heli kartaa asalka siyaasadda, taas oo cambaar ku noqonaysa kaadirka Soomaaliyeed. Waxa kale oo aan kula taliyey in uu dib u qoris ku soo bilaabo siyaasadda. Maanta nuqulka aan hayo ee siyaasada waxbarashada ee qoran, weli waxaa ku jira meelihii aan qawaday maalintaas, sida “The average ratio of students to the teachers in mathematics and science is 84:1. (Somalia) iyo” In 2005, the average learner to qualified Mathematics and Science teacher ratio was estimated at 84:1.” Swaziland. Su’aalihii aan maalintaas weydiiyey ninkii hawshaas hogaamiyey, waxaa ka mid ahayd meesha uu ka keenay saamiga macallimiinta xisaabta iyo sayniska iyo arayda ee ah 84:1, kaas oo weli ka muuqda siyaasadda waxbarashada ee Soomaaliya. Haddii laysku daro siyaasaddo aan is lahayn waxa ay dhalaysaa siyaasad “baqal” oo aan dhalin oo hal nafac leh muddo kooban.

Xajiin-tirka Manhajka (Curriculum Sensitivity)

Manhajku waa in uu noqdo mid daboolaya baahida ardayda oo dhan oo aan xagal-daac lahayn. Sidaas darteed, waa in si taxadar leh looga fiirsadaa aqoonta iyo xirfada uu gudbinayo manhajku. Tusaale, ahaan haddii laga hadlayo burburkii dalku soo maray oo ah arrin loo baahan yahay in wax laga qoro, si wax loogu barto. Haddana dhinaca kale, waxa ay u baahan tahay ka baaran deg balaaran. Tusaale ahaan, maamulka Somaliland ayaa taariikhdii SNM ku daray manhajka waxbarashada, iyadaa oo manhajka loo dhigayey dadka oo aan aabayaashood iyo awoowayaashood aysan ka qayb gelin halgankii SNM. Dadkii ku taliyey arritaas, hal dhinac ayey wax ka fiiriyeen, taas oo ah in la qoro taariikhdii SNM, hase yeeshee dhinaca kale waxba kama xeerin.

Buuggaagta dugsiyada Soomaaliya ee burburkii ka hore, arrinta aad looga cabtay waxa ay ahayd eray bixinta oo ku salaysnayd af-guriga gobol gaar ah. Sidoo kale, tusaalooyin waa in aysan ku koobnaan jinsi gaar ah ama gobol gaar ah iyo sawirada in aysan yeelan micno kale, oo cid kale ay macne kale u samayn karto. Waxaa tusaale inoogu filan fal-celintii ka dhalatay sawirkii ku qornaa buugga Fiisigiska ee qaanso-roobaadka oo muran dhalisay. Nin boqor ahaa, oo il iyo lug la’aa, ayaa maalin isugu yeeray farshaxanadii joogay magaaladii uu xukumay. Waxaa uu u sheegay in uu u baahan yahay nin si wanaagsan u sawira, oo la abaarmariyo, haddii sawirku fool-xumaadana la dilayo. Arrintaas cabsi ayey ku keentay farshaxanadii, iyagoo ka welwelaya haddii ay sawiraan boqorka oo il iyo lug la’ in la dilo. Mid ka mid ahaa farshaxanadii ayaa ku dhiirtay inuu sawirayo boqorka. Afkaa gacanta la saaray!, oo waxaa loo badiyey in la dilayo. Hase, yeshee waxa uu ahaa nin caqli iyo xikmad badan, oo waxa uu sawiray boqorkii oo wax liishaamaya/shiishaya/ganaya oo ishii uu la’aana isku haya, lugtii uu la’aana u laaban tahay, sida uu qof wax shiishaya uu saameeyo sida caadiga ah. Taas waxaa loola jeedaa sida boqorka quraxda looga dhigay ishii iyo lugtii uu la’aa, in manhajka loo qoro, oo dadka wax badan oo si khaladan loo arko si saxan loo tuso.

Dhigaalka Manhajka(Curriuclum Documents)

Marka laga soo tago qalfoofka manhajka (curriculum framework), waxa jira dhowr dhigaal (documents) oo aad muhiim u ah sida muqararka (syllabi) oo ah hagaha dadka qoraya buugga ardayga iyo tilmaame baraha. Marka laga soo tago, cinwaanka casharka, ujeeddooyinka, habka gudbinta iyo qiimeynta casharka, waxa aad loogu bahan yahay in muqararku go’aamiyo inta cashar ee uu cubub kasta yeelanayo iyo muddada lagu baran karo cutubka. Sidoo kale, ujeeddooyinka in loo kala saaraa aqoon, xirfad, qiyam, iyo hab-dhaqan, si ay qoraha ugu cadaato waxa la doonayo in loo gudbiyo ardayga, iyo sida ay nolosha ula xiriirto. Waxa kale oo in la tilmaamo u baahan kartida (competence) laga helayo casharka, sida uu ugu xiran yahay maadooyika kale, dhaqanka, isku-xirnaanta bulshada, iyo ka qayb-qaadashada wax-qabadka bulshada. Muqararku waa in uu noqdo hage dhammaystiran oo si sahlan u baritaaraya aqoonta iyo waayo agarnimada qoraha buugga. Dhinaca kale, qaabka loo qoray buugga ardayga ayaa ah hab soo-jireen ah oo aysan ka dhalin karin in uu ardaygu si dhab ah oo fudud u fahmo waxa uu baranayo. Inta badan waxa ay bixinayaan sharaxaad farabadan oo u baahan waqti dheer iyo dadaal xoogan, taas oo aan carinay (inspiring) maskaxda iyo fikirka ardayga, sidoo kale ma hagayaan sidii ardaygu waxa uu baranayo ay ugu xiran tahay noloshada. Tusaale, marka ardayga Soomaaliyeed loo baro aysidhka (acid) iyo bayska (bases) waxaa la baraa in ay aysidhku yahay “walax marka lagu milo biyo, siidaynaysa ayaano haydorojiin ah (hydrogen ions(H+) iyo in ay bays-ku yahay” walax qaatada ayoono haydarojiin ah” Haddaba, is barbar dhig habkaas, iyo ardayga loo dhiibay gobol liin ah oo la yiri dhadhami, lana weydiiyey waxa u dhadhamay, taas oo looga gol leeyahay in uu fahmo macnaha dhabta ah ee aysidh (dhanaan). Haddana la weydiiyey waxa loo adeegsanayo cajiinta lagu cadeydo? Ka dibna loo sharaxo in aysiidhku tahay walax ku jirta cuntada ay cuno oo wax yeesha jirka, iyo in cajiinta lagu cadeydo, si ay afka ka soo saarto waxyeeladii aysiidha, taas oo looga gol-leeyahay in lagu xiro noloshada Sidaas darteed, buuggaagta waa in loo qoro hab carinaya maskaxda ardayda, keenayana tusaale la xiriira noloshada, iyo in uu fekero ardaygu.

Fulinta Manhajka?

Marka la diyaarinayo manhajka, waa in la tixgeliyo awoodda macallinka, agabka waxbarista iyo barashada, iyo sida loo qiimeyn karo manhajka. Macallinka ayaa udub dhexaad u ah fulin iyo ka guul gaarista manhajka, suurogalna ma aha in manhaj kasta oo wanaagsan uu dhalo natiijo wanaagsan, haddii uusan jirin macallin si wanaagsan u fuliya manhajka. Arrintaasi waxa ay keenaysaa in la is weydiiyo su’aalo dhowr ah. Waa immisa boqolayda macallimiinta tababaran ee dugsiyada dalka wax ka dhiga? Immissa macallin ayaa sannadkii dalka laga soo saaraa (preservice) gaar ahaan dugsiga hoose-dhexe? Immisa macallin ayaa loo baahan yahay sannad kasta? Marka manhajka wax laga bedelo ma loo baahan yahay tababarka macallimiinta si ay u fuliyaan manhajka cusub? Jawaabaha su’aalaha waxa ka dhalan kara in tixgelin la siiyo macallinka oo lafdhabar u ah fulinta manhajka. Dhinaca agabka, ardaydu ma helaan agabka ay u kaashadaan gacan-ka-barashada (practical) maadooyinka sayniska iyo computerka? Jawaabta arrintaas ayaa keeni karta in manhajku tixgeliya sida loo fulin karo hawlqabadyada u baahan gacan-ka-barasho.

Af-waxbaristu (teaching language) waxa uu xudun u yahay tayada iyo fahanka ardayga wax la barayo. Soomaaliya, dugsiyada sare iyo in badan oo ka mid ah dugsiyada hoose-dhexe waxaa wax looga bartaa afka Ingiriisiga, kaas oo aan lagu dooran qorsho iyo siyaasad dawladeed. Dhinaca kale, ma lays weydiiyey sidii loo horumarin lahaa afka wax lagu barto? Bal is weydii maanta dalka ma ka jiraa xarun lagu tababaro macallinka afka Soomaaliga iyo macallinka afka Ingiriisiga oo ah labada af ee dugsiyada wax looga barto? Dalka Ruwaanda, oo u digo-rogtay in afka Ingisriisiga, ayaa guul weyn ka gaaray in afka Igiriisiga wax lagu barto, weliba, iyaga oo aan horey u lahayn taariikh la xiriirta barashada afka Ingiriisiga, taasina waxa ay ku timi dadaal badan oo lagu bari-taaray kobcinta afka waxbarashada. Dhinaca kale, waxaa Puntland ka dhacday dood adag sannadkii 2015, taas oo ku saabsanayd afka waxbarashada dugsiga hoose-dhexe (Soomaali, Carabi iyo Ingriiis). Xilligaas waxaa aad u xoog badnaa dugsiyada afka Carabiga wax looga barto, kuwaas oo aad uga soo horjeestay in dugsiga hoose-dhexe lagu barto Af-Soomaaliga. Is-mari- waagaasi waxa uu keenay in afka waxbarashada laga dhigo mid furan (Soomaali, Carabi ama Ingiriis). Taas waxa ay keentay in imitxaanaadka dugsiga dhexe lagu diyaariyo saddex af, sidoo kale in buugaagta madooyinka lagu barto dugsiga dhexe lagu diyaariyo saddex af (Saynis, xisaab, cilmiga Bulshada). Haddaba maanta Puntland kama jiro dugsi wax looga barto afka carabiga oo waxaa loo guuray afka Ingriisiga. Arritaas waxaa keenay in aan markii hore lagu dooran afka waxbarashada siyaasad meel dheer wax ka fiiraysay. Haddaba afka waxbarashadu waxa uu u baahan yahay siyaasad xoogan iyo hurumarin xoogan. Suurtagal ma noqonayso, in ay tayada waxbarashadu xoogaysato, haddii uusan ardaygu fahmi karin, ku hadli karin, wax ku qori karin afka uu wax ku barto.

Gabagabo

Qorshaha dib-u-eegista iyo horumarinta manhajku waa arrin timi waqti aad loogu baahan yahay, taas oo qayb-libaax ka qaadan karta degenaanshaha iyo horumarka dalka. Sidaas darteed, ayaa qoraalkan loo qoray si uu u abuuro dood togan oo ku saabsan bari-taarka dib-u-eegista iyo horumarinta manhajka dusgiyada aasaasiga ah oo saldhig u ah tayada waxbarashada. Meelaha uu qoraalkan ka bixiyey hogo-tusaalaynta, waxaa ka mid ah sida xeerka waxbarashada, siyaasadda waxbararashada, siyaasadda manhajka iyo qorshaha fog dalku ay u hagi karaan horumainta manhajka. Tan labaad, in manhajku noqon karo mid rogrogmi kara, ka jaawaba haabiyaha kala duwan, isaga (manhajka) oo ah mid qura. Waxa kale oo qoraalku soo qaaday, sida ay noqonayaan qaabka dib-u-eegista, qaab-dhismeedka manhajka iyo nidaamka waxbarashada dalka iyo sida uu manhajku u qaabayn karo mustaqbalka dalka. Ugu dambayntii waxa uu qoraalku ka hadlay dhigaalada muhiimka ah ee manhajka, sida muqararka iyo buugga ardayga, iyo waxyaabaha u baahan in tixgelin la siiyo, sida macallinka, agabka waxbarashada, iyo kormeeerka, kuwaas oo uu su’aalo ka furay si loo helo jawaab waafi ah oo dhinacyo kala duwan ka timaada. Gabagabdii, qoraalkani ma goyn talo gurmo-go’an ah, hase yeeshee waxa uu furay meelaha laga eegi karo dib-u-eegista iyo horumarinta manhajka. Dardaarankii Xaaji Aadan Af Qalooc waxa uu ahaa:

Ninba wuxuu u muhanaayo dood maqal haloo yeesho
Aaraa mukhtalifaa jirtee sawd ha lagu meersho
Halka midigta loo badiyo dhiga xaajadii muhim ah
Idinkuna markaa fuliya waa tii aad mudateene
Wax kastoo mashaakila ku wada magaca qaanuunka
Majlis weyn u dira tii kolkaas laga maqaan gaadho
U miyiriya xaajadu fudayd waa murkucataaye
.


W.Q. Cabdiraxmaan Shiikhdoon