
Muqdisho (Faallo) — Baashiir Maxamed Xirsi, Guddoomiyaha Xarunta Faarax Shuuriye, wuxuu sameeyey ereyga Agnaan, oo ah cinwaanka buug u dhowaan qoray. Wuxuu u qeexay ereyga sidan: “Agnaan, eray ahaan waxaa loo adeegsadaa afgarooca, qofka aan codkarka ahayn ama aftahanka, ee aan wargudbinta iyo aqoon tebinta togan. Halkan, taa ka sokow, anigu waxaan u adeegsanayaa guddoonxumaha iyo taloleexsanaha. Go’aan iyo guddoonxumaha. Aqoonxumo abaar ka daran.” Qeexista waxaa loo soo xigtay sida uu ugu qoray boggiisa Facebook.

Dhowaan wuxuu “miskiin” ku tilmaamay Cabdikariim Xasan Jaamac oo sheegay inuu u tartamayo xilka madaxweynanimada Soomaaliya. Bashiir wuxuu ku dooday in Sheeekh Shariif Sheekh Axmed ka mudan yahay Cabdikariim Xasan Jaamac.
Sheekh Sahriif Sheekh Axmed wuxuu, isagoo ahaa Madaxweynaha Soomaaliya, sanadkii 2009 waraysi siiyay Laantii Codka Maraykanka (VOA) oo wuxuu tageeray Heshiiskii Afgarad ee Badda ay Dowladdii Ku Meelgaarka la saxiixatay Kenya, heshiiskaas oo murangelinayay xadka badeed ee Soomaaliya. Sanadkii 2016 mar la su’aalay wixii uu ka ogaa heshiiskii Isafagarad ee Badda uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku saxiixay magaca Dowladda Soomaaliya, Sheekh Shariif Axmed wuxuu yiri sidan: “Ha la su’aalo Wasiirkii saxiixay iyo Ra’iisal Wasaarihii xilka hayay.”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka faa’iidaysanayay hadalka xilkasnimadarrada ee Sheekh Shariif ayaa sheegay in dad ka mid kuwa isaga la tartamaya ay badda Soomaaliyeed u gacangeliyeen dal kale.
Mar kale oo wax laga weydiiyay hadalkii Indhacadde, oo ahaa Xoghayihii Gaashaandhigga ee Ururkii Midowga Maxkamadaha, oo yiri “Addis Ababa ayaan weeraraynaa”, Shariif Sheekh Axmed wuxuu sheegay inuusan ogeyn in Indhacadde uu sidaas u hadlay. Sidii Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cirro, labada madaxweyne ku kala dambeeyay maamulka Somaliland loo dhaleeceeyay 2024 iyo 2025 (kaddib heshiiskii Biixi iyo Abiy Ahmed ee 1/1/2024, iyo Telefoonkii Benjamin Netenyahu u soo diray Cabdiraxmaan Cirro Diseembar 26 2025), looma dhaleecaynin Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo taageeray in Kenya sheegato bad ay Soomaaliya leedahay.
Hadda Shariif Sheekh Axmed wuxuu ku doodayaa inuu dhisi doonno dowlad la barbbar ah Dowladda Federaalka Soomaaliya marka muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhammaado 15 Maajo 2026. Marka waqtigaas la gaaro waa labaatan guurada markii ururkii Midowga Maxkamaduhu soo baxay.
Bashiir waa qoraa dhowr buug qoray laakiin hadda u ololeeya danaha beeshiisa, colaad qalin ku salaysan ku qaada beelaha kale ee Soomaaliya. Wuxuu 2021 u ololeeyay in ardayda dugsiyada Soomaaliya lagu waajibiyo akhrinta buugga Hilaadin oo uu isagu qoray. Carruurta Soomaaliyeed way sigteen. Bashiir wuxuu ku sifoobay ereyga uu bixiyay: Agnaan. Hambalyo bahda Xarunta Faarax Shuuriye.
© Puntland Post, 2026
Bashiir M. Xersi oo ay “Agnaanyahannimo” Ku Caddaatay
W.Q. Daahir I. Sheekh Cali
Muqdisho (Faallo ) — Baashiir Maxamed Xirsi, Guddoomiyaha Xarunta Faarax Shuuriye, wuxuu sameyey ereyga Agnaan, oo ah cinwaanka buug u dhowaan qoray. Wuxuu u qeexay ereyga sidan: “Agnaan, eray ahaan waxaa loo adeegsadaa afgarooca, qofka aan codkarka ahayn ama aftahanka, ee aan wargudbinta iyo aqoon tebinta togan. Halkan, taa ka sokow, anigu waxaan u adeegsanayaa guddoonxumaha iyo taloleexsanaha. Go’aan iyo guddoonxumaha. Aqoonxumo abaar ka daran.” Qeexista waxaa loo soo xigtay sida uu ugu qoray boggiisa Facebook.
Dhowaan wuxuu “miskiin” ku tilmaamay Cabdikariim Xasan Jaamac oo sheegay inuu u tartamayo xilka madaxweynanimada Soomaaliya. Bashiir wuxuu ku dooday in Sheeekh Shariif Sheekh Axmed ka mudan yahay Cabdikariim Xasan Jaamac.
Sheekh Sahriif Sheekh Axmed wuxuu, isagoo ahaa Madaxweynaha Soomaaliya, sanadkii 2009 waraysi siiyay Laantii Codka Maraykanka (VOA) oo wuxuu tageeray Heshiiskii Afgarad ee Badda ay Dowladdii Ku Meelgaarka la saxiixatay Kenya, heshiiskaas oo murangelinayay xadka badeed ee Soomaaliya. Sanadkii 2016 mar la su’aalay wixii uu ka ogaa ka heshiiskii Isafagarad reed Badda uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku saxiixay magaca Dowladda Soomaaliya, Sheekh Shariif Axmed wuxuu yiri sidan: “ Ha la su’aalo Wasiirkii saxiixay iyo Ra’iisal Wasaarihii xilka hayay.”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka faa’iidaysnayay hadalka xilkasnimadarrada ee Sheekh Shariif ayaa sheegay in dad ka mid kuwa isaga la tartamaya ay badda Soomaaliyeed u gacangeliyeen dal kale.
Mar kale oo wax laga weydiiyay hadalkii Indhacadde, oo ahaa Xoghayihii Gaashaandhigga ee Ururkii Midowga Maxkamadaha, oo yiri “Addis Ababa ayaan weeraraynaa” , Shariif Sheekh Axmed wuxuu sheegay inuusan ogeyn in Indhacadde uu sidaas u hadlay. Sidii Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cirro, labada madaxweyne ku kala dambeeyay maamulka Somaliland loo dhaleeceeyay 2024 iyo 2025 (kaddib heshiiskii Biixi iyo Abiy Ahmed ee 1/1/2024, iyo Telefoonkii Benjamin Netenyahu u soo diray Cabdiraxmaan Cirro Diseembar 26 2025), looma dhaleecaynin Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo taageeray in Kenya sheegato bad ay Soomaaliya leedahay.
Hadda Shariif Sheekh Axmed wuxuu ku doodayaa inuu dhisi doonno dowlad la barbbar ah Dowladda Federaalka Soomaaliya marka muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekhu Maxamuud u dhammaado 15 Maajo 2026. Marka waqtigaas la gaaro waa labaatan guurada markii ururkii Midowga Midowga Maxkamaduhu soo baxay.
Bashiir waa qoraa dhowr buug qoray laakiin hadda u ololeeya danaha beeshiisa, colaad qalin ku salaysan ku qaada beelaha kale ee Soomaaliya. Wuxuu 2021 u ololeeyay in ardayda dugsiyada Soomaaliya lagu waajibiyo akhrinta buugga Hilaadin oo uu isagu qoray. Carruurta Soomaaliyeed way sigteen. Bashiir wuxuu ku sifoobay ereyga uu bixiyay: Agnaan. Hambalyo banhda Xarunta Faarax Shuuriye.
© Puntland Post, 2026