Puntland iyo Unicef oo kala saxiixday heshiis ku kacaya $51 milyan

Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Iskaashiga Caalamiga ee Puntland iyo hay’adda Unicef ayaa kala saxiixday heshiis wadashaqayneed (Rolling Workplan) oo ku kacaya lacag dhan $51 milyan (konton iyo kow milyan oo doollar) muddada u dhaxaysa 2026 ilaa 2027.

Heshiiskan ayaa diiradda saaraya horumarinta adeegyada bulshada, oo ay ka mid yihiin: caafimaadka, waxbarashada, nafaqada, biyaha, ilaalinta carruurta (child protection), siyaasadaha bulshada, iyo sidoo kale xoojinta isku-dubaridka, kormeerka, qiimeynta iyo dabagalka barnaamijyada ay hay’addu ka fulin doonto gudaha Puntland labada sano ee soo socota.

Wasaaradda Qorsheynta Puntland waxaa heshiiska u saxiixay wasiirka cusub Yuusuf Axmed Maxamuud (Barre Faatax), halka dhanka hay’adda Unicef ay u saxiixday madaxa xafiiska Puntland Edith Kabui.

‎Qorshahaan wadajirka ah waxaa la sheegay in uu si toos ah ula jaanqaadayo Qorshaha Horumarinta Shanta Sano ee Puntland (2026–2030), gaar ahaan tiirka 4-aad ee horumarinta awoodda bulshada iyo tan aadanaha (Social and Human Capital Development).

PUNTLAND POST