Trump oo “ku sii fashilmaya dagaalka Iraan”

Handelsblatt: “Dagaalka Iraan wuxuu muujiayaa xaddidnaanta hababka Trump iyo sida dagaalku u galaafan karo dhaqaalaaha dunida.”

Washington (Wararka PP) — Wargeysyada Galbeedka kuwa ugu caansan, sida The Guardian iyo The Economist, oo London ka soo baxa iyo Handelsblatt oo Jarmalka ka soo baxa ayaa guuldarro ku tilmaamay dagaalka Maraykanku ku qaaday Iraan. The Economsit waxa uu ku doodday in seddex waddo mid uun bannaan tahay: 1- in Iraan la wareero mar kasta oo la ogaado in hubka Nukliyerka ay samaysanayso maadaama ay Iraan leedahay aqoon ay hub halis ah ku samaysan karto; 2- in ciidan ka badan kun askari oo Yuhuud iyo Marakan ah ay weeraraan meelaha ay yaallaan maaddada Yuraniyumta ee Iraan u adeegsato samaynta hubka halista ah; iyo 3- In wada hadal lagu dhammeeyo colaadda socota. Waddada seddexaad ayay majaladda The Economist taageertay.    

Faallo lagu qoray The Guardian ayaa dagaalka socda ku tilmaantay mid Madaxweyne Donald Trump laga yaabo inuu ku waayo xilka uu hayo. Wargeyska Handelsblatt wuxuu ku dooday: “Dagaalka Iraan wuxuu muujinayaa xaddidnaanta hababka Trump iyo sida dagaalku u galaafan karo dhaqaalaaha dunida.”

Faallo lagu qoray The Guardian ayaa dagaalka socda ku tilmaantay mid in Madaxweyne Donald Trump xilka laga qaado keeni kara.

Trump wuxuu filayay in kacdoon ka dhaca Iraan dhexdeeda uu soo dedejin doono dhicista Jamhuuriyadda Islaamka ee Iraan. “Duqeynta aan kala sooca lahayn ay Israa’iil iyo Maraykanku u geysteen meelo badan oo rayid ay deggan yihiin iyo meelaha taariikhiga oo ku yaalla Isfahaan waxay sii xoojiyeen awoodda dowladda Iraan” ayu ku dooday Bare-sare Vali Nasr oo wax ka dhiga Jaamacadda Johns Hopkins qorayna buugga Iran’s Grand Strategy: A Political History.

Iraan waxay maalintiiba samaysaa 500 diyaaradaha is wada.

Mark Esper, Wasiirkii Hore ee Gaashaandiga Marayakanka muddo xileedkii kowaad ee Trump, ayaa sheegay in Trump yiri “dagaalku wuu dhammaaday” taasina ay muujinayso inuu doonayo si uu dagaalka u joojiyo maadaaama aysan Iraan awooddeedu u yaraanin sidii la filayay.

Diyaaradaha is wada oo ay Iraan maalintiiba samayso ugu yaqaan 500 waxay halis ku noqdeen dalalka Khaliijka oo ku hoos jira dalladda difaaca Maraykanka, laakiin qarashka difaaca dalalkaas ku baxa ayaa aad u sii kordhay. Hal diyaarad is wada oo Iraan soo dirtay ayaa burburiyay raadaar ku fadhiya in ka badan 1 bilyan oo doollar. Sidoo kale waxaa Maraykan ka dhammaaday rasaas  badan inta dagaalku socdo, diyaarad shidaalka qaaddana way ka burburtay.  

Trump wuxuu ka codsaday Ingiriiska iyo Shiinaha inay soo diraan maraakiib ilaalisa gacanta Hormuz oo laga cabsanayo inay Iraan xirto.  Sicirka Shidaalka ayaa kordhay dunida, oo waxaa loo arkaa in Trump ku degdegay dagaal isaga oo aan ka fiirsanin saamaynta dagaalka iyo jawaabta Iraan bixin karto marka weerarro ay kaga yimaadaan Israa’iil iyo Maraykanka.

© Puntland Post, 2026