Senetarrada iyo Xildhibannada Puntland heer Federaal oo habacsanaan iyo danaysi lagu eedeeyey

Bare-sare Maxamuud Sheekh Xaamud. “Xildhibaannada qaarkood, oo uu Sanyare ka mid yahay ayaannu dacwad u haysannaa. Waxay ka mid ahaayeen dadkii saxiixay afartii cutub ugu horreeyay.”

Garoowe (Wararka PP) — Dood dhowr habeen ka hor ka dhacday Xarunta Horumarinta iyo Cilmibaarista ee Puntland (PDRC) waxaa lagaga hadlay wax ka beddelka dastuurka federaalka iyo kaalinta ay Xildhibaannada iyo Senetarrada Puntland ku lahaayen. “Xildhibaannada qaarkood, oo uu Sanyare ka mid yahay ayaannu dacwad u haysannaa. Waxay ka mid ahaayeen dadkii saxiixay afartii cutub ugu horreeyay. Noo caddeeya sababta aad markii hore u oggolaateen wax ka beddelka dastuurka laakiin hadda aad u diiddan tihiin” ayuu yiri Bare-sare Maxamuud Sheekh Xaamud, Guddoomiyaha Jaamacada PSU oo ay xarunteedu tahay Garoowe.

Nin kale oo dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamed Cali Falfaloos oo goobta ka hadlay ayaa isagana eed u soo jeediyay Xildhibbaannada iyo Senetarrada heer Federaal ee Puntland. “Waxaan rabaa inaan iraahdo ‘waxa maanta ina gaaray idinka ayaa kow ka ah. Go’doon baad na geliseen, nooma qalanto sidaas, mana aqbali karno, mana yeeli karno, marka xaqiiqada laga hadlo. Xildhibaannada na metela weli iyagoo qodob ka hadlaya maan arkin, iyagoo u doodaya ardayda maan arkin ama codsanaya in ciidammada wax loo qabto maadaama Puntland ay dagaal ku jirto. Laakiin waxaan arkaa subaxa doorasho soo dhowdahay iyagoo madaxweyne qancinaya oo firimbi yeerinaya. Iskuguma xirnidin sida Xildhibaannada Somaliland iyo Xildhibbaananda Koonfurtu iskugu xiran yihiin. Soomaaliya way dhismaysaa, waa inaan been la idiin sheegin” ayuu Falfaloos yiri.

Falfaloos: “Waxaan rabaa inaan iraahdo ‘waxa maanta ina gaaray idinka ayaa kow ka ah. Go’doon baad na geliseen.”

Ka qeybgale kale oo goobta joogay ayaa ku dooday in dhowaan 30 qof ku geeriyoodeen wax ka beddelkii dastuurka Puntland halka datsuurka heer Federaal markii wax laga beddelay uusan hal qof ku naf waayin.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si gaar ah u soo xushay 2022kii Xildhibaannada iyo Senetarrada heer Federaal ee Puntland. Xildhibaannada iyo Senetarrada heer Federaal ee Puntland waxay bilaabeen taageerista siyaasadda Dowladda Federaalka kaddib markii Madaxweyne Deni uu ku dhawaaqay inuu 2023kii xiriirka u jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya.

© Puntland Post, 2026