
Jineefa (Wararka PP) — Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay sheegtay in kiisaska jadeecadu ay kordhayaan sababtoo ah carruur badan oo aan la tallaalin.
Kiisaska jadeecada ayaa hadda kordhay 8% ka badan sidii ay ahaayeen ka hor inta uusan billaabanin cudurka safmarka ah ee Covid-19. Qaar ka mid ah dalalka Bariga Dhexe, Afrika, Yurub iyo Aasiya ayuu cudurku aad ugu faafay.
Dalalka hodanka ah ayaa sidoo kale lagu arkay in kiisaska jadeecadu kordheen sababtoo ah dad badan oo aan kalsooni ku qabin tallaalka jadeecada.
Mareykanka iyo Kanada waxaa laga yaabaa in laga saaro dalalka aysan jadeecadu ka jirin kaddib markii la arkay carruur jadeeco la ildaran.
Hay’adda Caafimaadka Adduunku waxay xustay in hoos u dhaca tallaalka iyo lacag yarida haysata adeegyada caafimaadka ay ka dhigayaan xaaladda mid ka sii daraysa.
WHO waxay ku talinaysaa in loo baahan yahay in 95% carruurta laga tallaallo jadeecada, si caafimaadka bulshada loo ilaaliyo.
© Puntland Post, 2025