Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo isku maandhaafsan kaalinta Xildhibaannada iyo Senetarrada Somaliland

Madaxweyne Deni ayaa 2023 ku dhawaaqay in Puntland dib u soo celin doonto xiriirka ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya haddii maamulka Somaliland, oo metelaad ku leh hay’adaha federaalka, uu ka soo qeybgalo shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka.

Kismaayo (Wararka PP) — Waxaa dhowaan la filayaa inuu Kismaayo ka qabsoomo shir ay ka soo qeybagalayaan siyaasiyiita ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay maamullada Jubaland iyo Puntland horseed ka yihiin. Caqabad aan la filaynin ayaa soo  foodsaartay qabanqaabiyayaasha shirka oo markii hore aan loo sheegin in Xildhibbaannada iyo Senetarrada Somaliland ka qeybgalkooda doorasho dadban lagaga hadli doono.

Madaxweynaha maamulka Jubaland oo ku doodaya in dhammaan Xildhibaannada iyo Senetarrada uu maamulkiisu soo xulay ay daacad u yihiin siyaasaddiisa ku aaddan Dowladda Federaalka, ayaa taageeray mowqif uu Madaxweynaha Puntland soo qaatay 2023kii markii uu joojiyay wadashaqaynta uu la leeyahay hay’adaha federaalka.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuxuu sida la sheegay u janjeeraa dhinaca Jubaland iyo Puntland.

Dhammaan xildhibaannada iyo Senetarrada uu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni soo xulay ayaa taageeray siyaasadda Dowladda Federaalka gaar ahaan wax ka beddelka Dastuurka Ku Meelgaarka Ah.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa si cad u taageeray mowqifkiii uu 2023 kaga duwanaa Puntland ku aaddan kaalinta Xildhibaannada iyo Senetarrada inta Somaliland maamul ahaan ka maqan tahay shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka.

Maamulka Jubaland wuxuu ku doodayaa in Xildhibaannada iyo Senetarrda Somaliland noqdaan xubno sharafeed inta Somaliland sheeganayso inay dal gaar ah tahay kana soo jeeddo qarannimada Soomaaliya. Ma cadda sida uu madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed u arko mowqifka ay Puntland iyo Jubaland ku mideysan yihiin hadda. Xubno ka tirsanaa Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa dhowaan ku biiray xisbi lagaga dhawaaqay Turkiga. Waxaa xubnahaas ka mid ah Cabdi Faarax Shirdoon, Ra’iisal Wasaarihii Hore ee Soomaaliya.

© Puntland Post, 2025