
Waxaa mudan in su’aalo la iska weydiiyo arrintan “Dhaqanka Goofka” iyo inay Garoowe ka korto ee Faysal Rooble qoraalkiisa caasimadda Garoowe ku saabsanaa uu ku xusay, kuna daabacay “Wardheer News“. Marka u horreysa waa in la isla fahmo oo la qeexo “Goof” waxa uu yahay. Erayga “goof” waxaan maqli jiray markaan Xamar/Muqdisho ku noolaa dagaalkii sokeeye ka hor. Waxaana “Goof” la oran jiray dhul si gaara ah loo leeyahay ama loo ootay oo beer ama lo’ in lagu dhaqdo oo lagu noolaado ujeeddadu ahayd. Kaddibna, markii magaaladu weynaatay oo sii fidday, dhulkiina qiimo yeeshay ayaa waxaa dhacday in dadkii goofafka lahaa laga iibsado amaba dawladdu kala wareegto, sida in laga dhigo xeryo ciidan, warshado iwm ah. Goofafkaas Xamar waxaa u badnaa oo lahaa qabiillada Xamar asal ahaan iyo deegaan ahaanba magaalada agagaarkeeda u badnaa oo degi jiray. Dadkaas ayaa keeni jiray caanaha, xaabada, khudradda, xoolaha/hilibka iyo adeegyada aasaasiga ah ee dadka magaalada ku nooli u baahnaayeen. Haddaba, u maleyn mayo in cid dhul ilaahay ku beeray oo ay dadka kale ee la dega kaga badan yihiin loo arko wax xaqiiqada ka baxsan, dadka kalena ay arrintaasi ku noqoto dhib iyo xanuun. Sababtuna waxaa weeye Soomaalida ayaaba qabiillo, jifooyin iyo degaanno ay ku kala abtirsadaan oo ku noolyihiin ku asteysan kana kooban. Sababta ay Soomaalidu ugu guul-darreysatay inay wax wada yeelato, dawlad wada dhisato, si wada jir ah isku xukunto, iskuna aamminto ilaa iyo maanta waxay inta badan salka ku haysaa hab dhaqankooda.
Waa hab-dhaqanka ahaa in ceelka biyaha iyo daaqsinta Soomaali isku layn jirtay waligeed haddana ka sii dareyso! Haddaba, “Garoowe iyo Goofku” xaggee iska soo galeen? Waxaa la yiraahdaa: “Usha xaska ku dhufo, wixii ku jiraaba ha ka soo baxeene! Guuxa “Goofku” muddo waa jiray, waana soo xoogeysanayay! Marka, ma waxaa laga wadaa yaa dhulka caasimadda haysta oo uu gacantooda ku jiraa? Hadday, tan tahay, meel kasta oo maanta Soomaaliya la joogo ma xukuumad iyo dawlad dhul maamusha oo dadka sifo sharci ku siisa baa jirta? Sow in dhulka la boobo oo ciddii rabtaa iska oodato ama lacag kala baxdo caado ma noqon? Dulmigaasi sow hal wax la maareyn la’yahay ma noqon oo dilalka ugu badni arrintaas dhul isku qabsashada kama dhashaan? Mise arrinta goofka, waxaa laga wadaa maxay Garoowe caasimad Puntland ugu tahay? Mise waxaa laga wadaa yaa maamulka magaalada haysta sida degmada iyo gobolka? Oo yaa xilalkaas magacaaba oo ay u adeegaan? Oo ma loo tartamaa? Mise waxaa kale oo laga wadaa qabiil Garoowe dega baa magaalada in lala soo dego dadka kale u diida? Waxaa xaqiiqo ah oo muuqata in dadka deegaanka iyo shacabka magaaladuba aad u soo dhaweeyaan in magaalada la soo dego, la soo cammiro, la dhisto, lana maalgashado dal iyo dibadba. Wixii ka dhimmanna waa wax hoggaanka Puntland, maamulka magaalada iyo gobolku ka gaabiyeen.
Mise arrintuba waa: “Baroortu orgiga ka weyn” oo waa Garoowe baa wax noqotay ama dhisantay oo magaalooyinka kale ee Puntland waxaysan haysan bay haysataa ama la siiyaa? oo su’aashan dambe waxay la xiriirtaa maahmaahda oranaysa “Cantuugo jiilaal canba can buu bidaa! Horumar la’aanta baahsan, maamul iyo dawlad xumida, musuqmaasuqa, adeegyadii bulshada oo aan meelna ka jirin miyaa fikirka “goofnimada Garoowe” ka dhashay? Dawladda Puntland ilaa xad intee bay ku lug leedahay guuxa caasimadda iyo GOOFKA? Waa la ogyahay in hoggaanku ku shaqeeyo xeeladda ah: “Kala qaybi oo xukun! Waxaa kale oo arrinta “Goofka Garoowe” laga dhadhansan karaa inay siyaasad salka ku hayso oo loola jeedo dad ka soo jeeda oo qabiil ahaan ugu badan deegaanka gobolka Nugaal oo Garoowe magaalo madax u tahay inaysan ku cadcaddaan ama hunguri ka gelin looltanka siyaasadeed iyo madaxtinnimada Puntland ee Garoowe taal? Midda kale, caasimad meeshii laga dhigaba sow “Goof” deegaan ama gobol ku yaal oo jifo ku badan tahay noqon mayso? Kaddibna, goof qolo leedahay loogu yeeri mayo? Si aysan taasi u dhicin, cudurka caasimaddana looga buskoodo, “Bad-weynta Hindiya” ma laga dhex abuuri karaa “Jasiirad” aan la kala xigin oo caasimad Puntland looga dhigo si aan cidna u sheegan?
By Ruqiya Aw-Maxamed Faarax