Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo sheegay in uu la heshiinayo Siciid Deni iyo Axmed Madoobe

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta ka jeediyay Furitaanka Kal-fadhiga 7aad ee Baarlamaanka dalka ayaa ku dhawaaqay in uu wada-hadal iyo is afgarad ku xallinayo khilaafaadka siyaasadeed ee kala dhexeeya Puntland iyo Jubbaland.

“Waxaan wali dadaal ugu jirnaa oo aanan ka harin walaalaha (PL&JL) ka goos qabsaday in ay qayb ka noqdaan geeddi-socodka xasilinta siyaasadda dalka. Haddane maqaamka iyo mas’uuliyadda oo lagu kabay odaytinimada iyo nabad dooneynta mas’uuliyadda heer qaran, waxay na faraysaa in aan qof kasta oo wax tabanayo raadinno, waana ku sii soconaynaa wadadaas Alle idankii” ayuu yiri Xasan Shiikh Maxamuud.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay ka faa’idaysiga Soomaaliya ee Kheyraadka dalka ayaa sheegay in bilaha soo socda la bilaabi doono wax-soo-saarka ceelkii shidaalka ugu horreeyay, taas oo noqon doonta tallaabo weyn oo horumarineed oo dhinaca dhaqaalaha ah, Wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimada ay arrintani u leedahay koboca dhaqaale, shaqo-abuurka, iyo isku-filnaanshaha Soomaaliya.

“Bilaha soo socda, Ilaahay idamkii waxaa billaabanaya qodista shidaalka. Waxaynu horumarinaynaa kaabayaasheenna dhaqaale, oo ay ka mid yihiin jidadka, garoomada dayaaradaha, dekadaha oo lagu daray saldhig laga gano dayaxgacmeedyada, oo ah kii ugu horreysay ee Qaaradda Africa laga dhiso” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

PUNTLAND POST