Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo tababar u furay ciidan dhan 500 oo ku biiraya Birmadka Booliska

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, S/Guuto Mumin Cabdi Shire, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Maxamed Baarri Shire, ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar loogu talagalay in ka badan 500 askari oo cusub oo ka tirsan Ciidanka Birmadka Booliska Puntland.

Munaasabadda furitaanka tababarka ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka kala socday labada gole ee dowladda, Taliyaha Kulliyadda, Duqa Degmada Carmo iyo hoggaanno ciidan kale, kuwaas oo ku dhiirrigeliyay askarta cusub inay si hufan u gutaan waajibaadkooda tababarka.

Mas’uuliyiinta khudbadahooda ku dheeraaday ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda uu leeyahay tababarkan, kaas oo lagu tayaynayo ciidankan cusub oo ah dhallinyaro aqoonyahanno ah, si ay ugu adeegaan bulshada Puntland, ayna door muuqda uga qaataan sugidda amniga iyo ilaalinta sharciga.

Ciidankan cusub ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka qaataan xoojinta nabadgelyada, iyadoo Ciidanka Booliska Puntland mar kale caddeeyay sida ay uga go’an tahay dhismaha ciidan xirfad leh, casri ah, isla markaana si kalsooni leh ugu adeega shacabka.

Sidoo kale, waxaa xusid mudan in hore tababar loogu soo xiray 500 askari oo kale, kuwaas oo hadda ku sugan Taliska Ciidanka Xorgoble ee magaalada Qardho, isla markaana loo qeybinayo dhammaan qeybaha Booliska ee sagaalka gobol ee Puntland, si ay door muuqda uga qaataan sugidda amniga iyo ilaalinta sharciga.

Booliska Puntland ayaa bilaabay qorshe ballaaran oo lagu diyaarinayo ciidamo gaar ah oo amniga qeyb ka noqda, kuwaas oo lagu tababarayo xirfado casri ah si ay u noqdaan laf-dhabarta sugidda nabadda, ilaalinta sharciga iyo difaaca bulshada. Qorshahani wuxuu qayb ka yahay dadaalka joogtada ah ee lagu dhisayo hay’ado amni oo tayo iyo hufnaan leh, si loo xaqiijiyo in Puntland yeelato ciidan adag oo u adeegta shacabka si cadaalad iyo kalsooni leh.

PUNTLAND POST