
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo wareysi siiyay BBC Somali ayaa xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya gudaha Puntland ka samaysay ciidamo Federaal ah oo Xamar laga maamulo, kuwaasi oo ku shaqeeya Amarrada Villa Somalia.
Madaxweyne Xasan Shiikh oo su’aal laga weydiiyay in dowladda Soomaaliya wax taageero ah ku bixisay Hawlgalka Calmiskaad, si ay Puntland uga caawiso ciribtirka Daacish ayaa ku jawaabay in aysan Puntland weli taageero weydiisan dowladda dhexe, balse haddii loo baahdo ay amar siin karaan ciidamo heer Federaal ah oo ku sugan Puntland.
“Weli wax baahi ama caawinaad ah oo Puntland noo soo gudbisay ma jiraan, laakiin waxa gudaha Puntland noo jooga ciidamo ka amar qaata dowladda Federaalka oo daqiiqad kasta aan amar siin karno si ay dagaalka u galaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan oo ka jawaabayay su’aashii ku saabsanayd in dowladda Soomaaliya wax taageero ah ku bixisay Hawlgalka Calmiskaad.
Warkan Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa imaanaya, xilli marar kala duwan mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ku eedeeyeen Villa Somalia in ay gudaha Puntland ka abuurtay ciidamo hubaysan oo Xamar ku xiran, kuwaasi oo ay walaac ka muujisay Xukuumadda Siciid Deni.
PUNTLAND POST