
Alle ha u naxariistee, Shahiid Gen. Qalyare oo meydkiisa xalay la keeney magaalada Boosaaso ayaa saaka Salaadda Janaaso lagu tukan doonaa gudaha garoonka diyaaradaha Boosaaso.
Intaasi kaddib waxaa marxuumka loo qaadi doonaa magaalada Garoowe, halkaasi oo maanta Aas Qaran loogu samayn doono, siday shaaciyeen mas’uuliyiinta dowladda Puntland.
AUN Gen. Qalyare wuxuu ahaa Sarkaal wakhti badan ku soo bixiyey difaaca dalkiisa iyo dadkiisa, marxladkasta iyo duulaankasta oo lagu soo qaado Puntland, haddana wuxu kamid ahaa Saraakiisha hoggaaminaysa Hawlgalka guulaystay ee Calmiskaad ee cirib-tirka Argagixisada Daacish.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo ka tacsiyeeyay geerida shahiid marxuum Qalyare ayaa sidoo kale sheegay in dhagarta fuleynimada ah ee Argagixisada Daacish aysan waxba la beddeli doonin Hawlgalka socda ee Ciribtirka kooxdaasi gabbalkeedii dhacay.
“Dhagarta fuleynimada ah ee firxadka cadowgu sida naf-lacaariga ah u maleegayo waxba kama bedelayso hawlgalka iyo sida uu u socdo, waana lasoo afjarayaa firxadka Argagixisada dhowaan” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.
PUNTLAND POST