Soomaaliya oo dib u hirgelinaysa Nidaamkii Adeegyada Boostada Caalamiga ah

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Soomaaliya Maxamed Aadan Soomaali ayaa intii uu socday Shirweynaha 28-aad ee Ururka Boostada Adduunka (UPU), la yeeshay kulamo istiraatiiji ah dhiggiisa Wasiirka Isgaarsiinta iyo Dhaqaalaha Dijitaalka ee Kenya iyo wufuud heer Qaran ah oo ka socotay Zimbabwe iyo Imaaraadka Carabta.

Kulammadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee boostada iyo tiknoolajiyada, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay horumarinta nidaamyada isu-socodka alaabaha iyo waraaqaha boostada (mail items), maadaama Soomaaliya dhawaan dib u bilowday adeegyada boostada caalamiga ah.

Wasiir Maxamed Soomaali ayaa caddeeyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay dhisidda iskaashi waara oo lala yeesho waddamada gobolka iyo caalamkaba, si loo xaqiijiyo in adeegyada boostada dalka ay noqdaan kuwo casri ah, isla markaana si buuxda ula jaan qaada heerarka caalamiga ah.

Kulammadan ayaa qeyb ka ah istiraatiijiyadda Soomaaliya ee ku wajahan dib-u-soo celinta kaalinta boostada Soomaaliya iyo in dalka si buuxda uga mid noqdo nidaamka caalamiga ah ee is-dhaafsiga boostada, taas oo kaalin mug leh ka qaadaneysa horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga, iyo isku xirnaanta bulshada Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST