Muddaharaad ka dhashay dilkii caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi oo ka socda degaanno ka tirsan Gobolka Sanaag

Muddaharaad ka dhan ah xukuumadda Puntland oo shalay ka bilowday degaanka Ceelbuh ee Gobolka Sanaag kaddib markii duqeyn lagu dilay caaqil caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi ayaa maanta ku fiday degmada Badhan ee Gobolkaasi.

Duqeyntaasi oo ay fulisay diyaarad dagaal oo aan weli la aqoonsan ayaa Sabtidii dishay marxuum caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi oo ka baxay Ceelbuh kuna sii jeeday degmada Badhan, kaddib markii ay saddex gantaal ku ridday isaga iyo baabuurkiisa, sida uu shaaciyay Taliyaha ciidanka Booliska Gobolka Sanaag ee Puntland.

Bulshada degaanka oo dalbanaya in looga jawaabo cidda dishay caaqilkoodii ayaa muddaharaadka ka bilaabay degaanka Ceelbuh waxaana uu maanta ku fiday degmada Badhan, halkaasi oo ciidamada Puntland bilaabeen in ay rasaas ku kala eryaan shacabka muddaharaadaya.

Xukuumadda Madaxweyne Deni oo tan iyo Sabtidii markii duqeyntu dhacday laga sugayay in ay shacabka uga jawaabaan cidda caaqilkoodii dishay aya ilaa iyo wakhtigaasi aamuska laasintay, taasi oo abuurtay muddaharaadka socda oo lagu dalbanayo in bulshada loo caddeeyo wixii dhacay.

PUNTLAND POST