Puntland oo xaqiijisay in mar kale Madaxweyne Deni uu u tartamayo Xilka Madaxweynaha Soomaaliya

Xukuumadda Puntland ayaa xaqiijisay in mar kale Madaxweyne Deni uu raadinayo xilka Madaxweynaha Soomaaliya, doorashada soo socota, islamarkaana waxay ololihiisa ku muujisay Hawlgalka Calmiskaad.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo warkan xaqiijiyay ayaa olole ahaan u isticmaalay Hawlgalka Calmiskaad ee ciidamada difaaca Puntlqnd kula dagaallamayaan mileeshiyaadka Argagixisada ah ee Daacish, waxaana uu Caydiid is barbar dhig ku sameeyay Madaxweynihii u horreeyay ee Puntland Korneyl Cabdullaahi Yuusuf iyo Madaxweyne Siciid Deni.

“Dowladda Puntland, gacana difaaca, gacana horumarka, Puntland waxay u diyaarsan tahay samatabixinta dawladnimada Soomaaliyeed, sidii ay horay ugu samatabixisay xilligii Madaxweyne hore, Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Mar kale, Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, wuxuu samatabixin doonaa dawladnimada Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Wuxuu intaasi kaddib muujiyay in Madaxweyne Deni uu si rasmi ah ugu tartami doono xilka Madaxweynaha Soomaaliya, doorashada soo socota waxaana uu yiri “Xiligan ma jiro hogaamiye soomaaliyeed oo wax qabadkiisa la hubo oo aan ka ahayn Saciid Cabdullaahi Deni,sidaa darted Soomaali maanta Saciid Cabdullaahi Deni bay u baahantahay.”

PUNTLAND POST