
Doorashada duqa cusub ee degmada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in ay maanta oo Axad ah qabsoonto, kaddib markii uu dhawaan is casilay duqii hore.
Doorashadan oo qorshaysnayd in la qabto Sabtidii shalay ayaa hal maalin dib u dhacday, kaddib markii ay xaruntii degmada Gaalkacyo qabsadeen dabley hubaysan oo uu abaabulay musharrax la isku dayay in tartanka laga reebo, balse markii danbe loo ogolaaday, si loo xalliyo xiisaddii taagnayd.
Guddiga doorashada ayaa shaaciyay liis ka kooban saddex musharrax oo u tartamaya xilka duq cusub ee Gaalkacyo kuwaasi oo magacyadoodu kala yihiin: Xuseen Cabdi Maxamed Dhanbalaas, Cabdiraxmaan Axmed Daahir (Cirro) iyo Bashiir Cabdicasiis Warsame.
Tartamayaasha ayaa xalay sameeyay olole xooggan oo ay ku kala jiidanayaan xildhibaannada codaynaya, taasi oo musharrax kasta ku doonayo in uu helo codad uu ku guulaysan karo xilka guddoomiyaha cusub ee Gaalkacyo.
Waxaase wararku sheegayaan in musharrax Xuseen Cabdi Maxamed Dhanbalaas uu ilaa iyo hadda haysto codadka ugu badan kaddib markii ay safkiisa galeen xildhibaanno door ah, taasi oo natiijada u dhaweynaysa in uu isagu ku guulaysto duqa cusub ee Gaalkacyo.
PUNTLAND POST