Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay eedaysane saaka laba qof ku diley duleedka Garoowe

Ciidanka Booliska dowladda Puntland oo kaashanaya odayaasha degaanka ayaa gacanta ku dhigay eedaysane Maxamed Dulyar oo saaka laba nin ku dilay degaanka 22-aad oo dhinaca bari ka xiga magaalada Garoowe.

Warkan waxa xaqiijiyay saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal oo ku guulaystay soo qabashada eedaysane Maxamed Dulyare oo loo haysto dilka labada marxuum, waxaana dhacdadan lala xiriiriyay muran dhuleed oo ka taagnaa bogcado ku yaalla degaanka 22-aad ee degmada Garoowe.

Eedaysane Maxamed Dulyare ayaa loo gudbiyay xabsiga weyn ee Garoowe, waxaana baaris kaddib la horgeyn doonaa maxkamadda awoodda u leh, si sharciga loo mariyo, sidaan ka xigannay Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal.

PUNTLAND POST