
Muqdisho (Faallo) — Baraha bulshada Soomaali badan ku faradirirto (sida Twitter (oo hadda X ah) waxaa shalay aad u saameeyay dabbaaldeg Garoowe ka dhacay ku saabsan biyoxireenka Itoobiya oo dhowaan la furi doono. Wasiirka Arrimmaha Gudaha ee Puntland Cabdi Faarax Siciid ‘Juxaa’ ayay dad badan ku dhaliileen inuu sheegay inuu saami ka iibsaday biyoxireenka Itoobiya. Inuu ka hiilliyay Masar ayaa Juxaa lagu eedeynayaa.
Juxaa ma aha syaasi la dhacsan xiriirka Masar iyo Soomaaliya, laakiin laguma eedeyn karo inuu ka hiillinayo Masar haddii uu saami ka iibsaday biyoxireenka Itoobiya.

Siyaasadda arrimmaha dibedda ee Soomaaliya ku aaddan biyoxireenka waxay weli ku salaysan tahay taageerista in Itoobiya yeelato biyoxireen saamaynaya sida webiga Niil (Nile) u gaaro Masar.

Sanadkii 2020kii Safiirkii Soomaaliya u joogay Itoobiya Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camay ayaa Itoobiya la wadaagay mowqifka Soomaaliya ka leedahay biyoxireenka Itoobiya. “Soomaaliya waxay dhowraysaa xuquuqda Itoobiya si ay uga faa’iidaysato kheyraadkeeda dabiiciga ah. Waa sababta ay u diidday qaraarkii Masar iyo Jaamacadda Carabta oo ka soo horjeeda danaha Itoobiya iyo Gobolka Bariga Afrika guud ahaan” ayuu Danjire Camey u sheegay shirkadda warbaahinta FANA oo ay dowladda Itoobiya leedahay. Maxaa Madaxweye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loogu eedeyn waayay sida cad uu ula saftay Itoobiya 2020kii.

Siyaasadda dowladda Soomaaliya ku aaddan Itoobiya waxba iskama beddelin. Sanadkii 2022kii, markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud booqday Eritreeya, wuxuu taageeray heshiiskii isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika uu 2018kii soo bandhigay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo Muqdisho booqanayay.

Magaca cayayaanka baraha bulshada (CBB)’ waa magac lala helay dadka loo bixiyay. Cayayaan caqli ma laha, laakiin dhibaato ayuu geystaa. Cayayaanka noocan ah waxaa ka mid ah kaneecada, diqsiga, baranbarada, kutaanta iyo injirta. Mar hore ayaa laga digay halista baraha bulshada oo loo doonto warar ama ra’yi si dheellitiran oo xaqsoor leh loo soo bandhigo. Hadda la yaab ma laha in qofku maqlo “hebel baraha bulshada ayuu ku cayayaanoobay!”
© Puntland Post, 2025