
Degaanka Kulub oo ka tirsan degmada Jariiban ee gobolka Mudug ayaa gebi ahaan bacaad liqay, taasi oo keentay in ay isaga bara-kacaan dhammaan qoysaskii ku noolaa degaankaasi oo ku tiirsanaa kalluumeysiga iyo xoolaha nool.
Kulub, oo ahaan jirtay magaalo cammiran ayaa si tartiib tartiib ah u lumisay dadkii deganaa, ka dib markii bacaad si xawli ah u qabsaday dhulkii la degganaa. Degaanka oo ku tiirsanaa kalluumaysiga iyo xoolo-dhaqashada ayaa maanta u muuqda mid sii baaba’aya.
Qoysaskii ugu dambeeyay ee ku haray Kulub ayaa dhawaan isaga guuray, iyagoo isugu tagay meel aan ka fogeyn degaanka. Halkaas ayay ku wajahayaan duruufo nololeed oo aad u adag, kuwaas oo ay ka mid yihiin hoy la’aan, cunto yari iyo adeegyada aasaasiga ah oo gebi ahaanba ka maqan.
PUNTLAND POST