Madaxweynaha Puntland oo laba degmo oo cusub ku kordhiyay Sanaag iyo Haylaan

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Xeer Madaxweyne ku dhisay laba degmo oo cusub, kuwaasi oo kamid noqonaya degmooyinka Gobollada Sanaag iyo Haylaan.

Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Siciid Deni ayuu ku dhisay degmada Ceel-Buh oo ka mid noqonaysa degmooyinka Gobolka Sanaag iyo degmada degmada Baraagaha-Qol oo ka mid noqonaysa degmooyinka Gobolka Haylaan, siday shaacisay Madaxtooyada Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweyne Deni ayaa magacaabay guddiga Horumarinta degmada Boosaaso oo ka kooban 10 xubnood, si loo dardar geliyo Mashaariicda Horumarinta ee ka socda Boosaaaso, waxaana guddigan magacyadoodu kala yihiin:

1. Dr. Maxamed Maxamuud Samatar
2. Yuusuf Axmed Maxamuud
3. Kaltuun Suudi Aadan
4. Cabdullaahi Xirsi Cali (Hogoto)
5. Mustafe Salaad Cali (Sonkor)
6. Maxamed Daahir Faarax (Qobey)
7. Maxamed Muuse Axmed (Indhotaag)
8. Nabadoon. Cabdi Faarax Cilmi
9. Sheekh. Maxamed Macallin Axmed
10. Nadiifo Xasan Barre

PUNTLAND POST