
Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland oo qoraal soo saartay ayaa xaqiijisay warka ku saabsan in uu maanta si rasmi ah xilkii isaga casilay maayirkii degmada Gaalkacyo Maxamed Cabdirisaaq Daacad, kaddib markii ay mooshin ka diyaariyeen xubno ka tirsan golaha degaanka degmadaasi.
Qoraalkan oo lagu faafiyay bogga wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa muujiyay in wasaaraddu aqbashay warqad istiqaalo ah oo uu maanta u gudbiyay maayirkii Gaalkacyo Maxamed Daacad, kaddib markii uu wajahay mooshin ay ka keeneen xubno ka tirsan golaha degaanka Gaalkacyo oo ku eedeeyay musuq maasuq iyo xil gudasho la’aan.
Wasaaraddu waxay sidoo kale ku wargelisay dhammaan xubnaha golaha degaanka Gaalkacyo in ay u diyaar-garoobaan doorashada maayirka cusub ee Gaalkacyo oo loo qorsheeyay in ay qabsoonto 10 cisho kaddib oo ku beegan maalin Sabti ah 13 Sep 2025, sida ku cad qoraalkan ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland.
“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland, waxay ku wargelinaysaa dhammaan xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug in ay u diyaar garoobaan doorashada Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Gaalkacyo oo dhacaysa maalinta Sabtida ah ee ku beegan 𝗦𝗲𝗽𝘁𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟭𝟯, 𝟮𝟬𝟮𝟱,” ayay u dhignayd wargelintaasi.
PUNTLAND POST