
Ciidamada difaaca Puntland oo guluf dagaal ku qaaday difaacyadii Argagixisada Daacish ee togga Baallade ayaa si buuxda ula wareegay ceelasha Burti-Cise iyo Afka Dharimood oo dhaca toggaasi.
Warkan oo ka soo baxay Hawlgalka Calmiskaad ayaa lagu sheegay in ciidamada difaaca Puntland oo guluf culus ka fuliyay togga Baallade ay mileeshiyaadkii Daacish kala wareegeen ceelasha Burti-Cise iyo Afka Dharimood oo dhammaantood ku teedsan togga Baallade.
“Ciidamada Difaaca Puntland oo gulufyo qaatay maalmo kula wareegey fadhiisimo muhiim u ahaa khawaariijta Daacish, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Ceelasha Burti-cise iyo Af-ka Dharimood ee togga Baallade” ayaa lagu yiri Warkan ka soo baxay Hawlgalka Calmiskaad.
Taliska Ciidamada difaaca Puntland waxay sidoo kale sheegeen in ay hawlgalkaasi ku dileen 15 dagaallame oo ka tirsanaa mileeshiyaadka Daacish , wuxuuna qoraalku sii raaciyay “Ciidamada oo jihooyin Kala duwan ka fulinaya hawlgalka ayaa Argagixisada Daacish ka dilay ku dhowaad 15 sharwade.”
PUNTLAND POST