Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in hawlgal gaar ah lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-shabaab

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya ee (NISA) oo Warbixin kooban soo saartay ayaa faahfaahin ka bixisay hawlgal gaar ah oo lagu beegsaday horjooge sare oo ka tirsanaa mileeshiyaadka Alshabaab.

Hay’adda NISA oo warkan ku faafisay barteeda Rasmi ah ee (X) ayaa sheegtay in hawlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo ay iska kaashadeen Saaxiibada Caalamiga ah lagu dilay Horjoogihii Argagixisada Alshabaab u qaabilsanaa Amniyaadka qeybta Hirshabeelle oo lagu magacaabi jiray Xuseen Cabdullaahi Dalab (Caamir).

“Ciidanka NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal si gaar ah loo qorsheeyay ka fuliyay deegaanka Show ee gobolka Hiiraan, halkaas waxaa lagu dilay horjooge Xuseen Cabdullaahi Dalab Caamir, oo Khawaarijta ugu magacownaa waxa ay ugu yeeraan amniyaadka Hirshabeelle” ayuu u dhignaa qoraalka NISA.

Sida ku cad Warkan ka soo baxay NISA, Hawlgalka gaar ah waxaa laga fuliyay degaanka Show ee Gobolka Hiiraan, halkaasi oo uu ku sugnaa Horjooge Xuseen Cabdullaahi Dalab Caamir oo Argagixisada u qaabilsanaa Amniyaadka (Waaxda dilalka iyo qaraxyada) ee degaannada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

PUNTLAND POST