
Dowladda Soomaaliya oo Waraxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay in ay gacanta ku hayso gal-dacwadeed ka dhan ah shakhdiyaad ku eedaysan aflagaaddo, sumcad-dil faafinta been-abuur iyo kicin bulsho.
Warsaxaafadeedkan oo ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud dowladda Federaalka ayuu ku sheegay in uu gacanta ku hayo gal-dacwadeed uu ka diyaariyay dad ku eedaysan Cayda ama Aflagaadada, Sumcad-dilka, Isku-dirka Bulshada, Faafinta Sawiro iyo Muuqaallo Anshax-xumo, Faafinta Beenta Iyo Kicin Bulshada dhexdeeda ah.
“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu gacanta ku hayaa Gal-dacwadeedyo la xiriira Cayda ama Aflagaadada, Sumcad-dilka, Isku-dirka Bulshada, Faafinta Sawiro iyo Muuqaallo Anshax-xumo, Faafinta Beenta Iyo Kicin Bulshada dhexdeeda ah, iyadoo ay jiraan dad loo maxkamadeeyay iyo kuwa hadda ay socdaan baarista kiisas-koodu.
Kiisaskaan ayaa muujinaya sida falalka noocan ahi ay khatar ugu yihiin xasiloonida bulshada, sumcadda dadka, aminga iyo kalsoonida guud ee bulshada.”
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Somaaliy wuxuu sidoo kale digiin adag u diray cid kasta oo ku kacda falal ka soo horjeeda shuruucda dalka iyo sumcadda shacabka, isagoo ku wargeliyay in tallaabo sharci ah oo adag laga qaadi doono kuwa lagu helo, si loo ilaaliyo sharafta, sumcadda, iyo nabadgelyada bulshada Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST