
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa xarunta Wasaaradda arrimaha ee Magaalada Muqdisho Shir kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibada ee dowladda Jabuuti, Danjire Cabdulqaadir Xuseen Cumar.
Sida dowladda Soomaaliya sheegtay Intii uu Shirkan socday, waxaa laga wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhanka amniga, xasilloonida gobolka iyo arrimaha caalamiga ah ee labada dal ay danaha ka leeyihiin, waxaanaLabada wasiir ayaa isku raaceen muhiimadda ay leedahay in ay si dhaw isu la shaqeeyaan si loo horumariyo nabadda, horumarka iyo barwaaqada Geeska Afrika.
Sidoo kale, Intii lagu guda jiray Shirkan, labada wasaaradood waxay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed, taas oo dhisaysa hannaan rasmi ah oo lagu yeelanayo wadahadal joogto ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, waxayna sheegeen in heshiiskaasi xoojinayo iskaashiga diblomaasiyadeed isla markaana uu horumariyo mudnaanta labada dal ee heer gobol iyo heer caalami.
PUNTLAND POST