Gen. Axmed Cabdullaahi: Puntland keligeed baa burburisay Argagixiso Caalami ah oo horay 80 waddan isu bahaysteen

Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo helaya taageero aad u xaddidan oo caalami ah ayaa si weyn u wiiqay awooddii Argagixisada Daacish ee buuraha Calmiskaad, halka markii Daacish laga saarayay Suuriya iyo Ciraaq ay isu bahaysteen ku dhawaad 80 waddan.

Warkan waxa sheegay S/Guuto Axmed Cabdullaahi Shiikh oo ka tirsan Hawlgalka Calmiskaad, oo intaasi ku daray in dowladda Puntland burbursay in ka badan 1,300 oo dagaallamayaal ajaanib ah, kuwaasi oo Daacish isaga soo ururisay dunida daafaheeda, si ay buuraha Calmiskaad uga dhigtaan gabbaad ay Caalamka dhan ka weeraraan.

S/Guuto Axmed Cabdullaahi wuxuu intaasi raaciyay in tan iyo bilowgii Hawlgalka Calmiskaad Puntland si joogto ah u soo bandhigaysay meydadkii iyo hubkii ciidamada dowladdu ka qabsadeen dagaalyahannada argagixisada Caalamiga ah ee Daacish, waxaana uu ka digay shakhsiyaadka wararka beenta iyo marin-habaabinta ah ka faafinaya Hawlgalka Ciribtirka Daacish.

Sidoo kale, wuxu xusay in Puntland khasaare badan kala kulantay, islamarkaana boqollaal askari ku weydey Hawlgalka Calmiskaad oo wakhtigan heer geba-gabo ah maraya, waxaana uu yiri “Puntland khasaare xooggan baa ka soo gaaray dagaalkan ay kula jirto Argagixisada Daacish waxayna ku weyday boqollaal wiilasheeda ah.”

PUNTLAND POST