Ciidamada Puntland oo Daacish ka qabtay agab casri ah oo loo isticmaalo macdan baaris

Saraakiil ka tirsan Hawlgalka Calmiskaad ayaa xaqiijiyay in ciidamada difaaca Puntland in ay heleen agab loo isticmaalo macdan baaris, oo ay mileeshiyaadkii Daacish kaga firxadeen godad ku yaalla togga Baallade.

Warkan waxa sheegay saraakiil hoggaaminayay ciidankii u daatay keydkii Daacish ee togga Baallade, halkaasi oo laga helay noocyada kala duwan ee hubka iyo sidoo kale agab casri ah oo loo adeegsado baarista macdanta, gaar ahaan dahabka.

Warbixino amni oo horay loo helay ayaa muujiyay in argagixisadu dhaqaale badan ka samaysay hawlo macdan baaris ah oo ay mudda sannado ah ka waday buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, waxaana la rumayaan yahay in ay laamaha dibadda ah ee kooxda u gudbin jireen maaliyad xooggan.

PUNTLAND POST