
Washington – Ciidanka FBI ee Maraykanka ayaa galay guriga John Boltonn, oo mar ahaa La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Donald Trump muddo xileedkiisii koowaad (2017-2021). “Qofna kama sarreeyo sharciga“ ayuu Kash Patel, Agaasimaha FBI, ku qoray boggiisa X (oo Twitter loo garan og yahay).
Madaxweyne Trump mar uu toddobaadkii hore Alaska kula shirayay Vladamir Putin Madaxweynaha Ruushka, wuxuu ka cawday wax uu ku tilmaamay “saxaafad aan xaqsoor lahayn.”
John Bolton wuxuu aad u dhaliilay heshiiska uu Trump ka dhex wado Ruushka iyo Ukrayn. “Dad guuldarraystayaal ah oo shaqada laga eryay ayaa been iga fidinaya” ayuu Trump dhowaan sheegay, isaga oo si dadban uga cabanayay John Bolton.
John Bolton wuxuu taageeray tallaabadii FBI ku gashay guriga Trump ku yaalla Mar-a-Lago 8 Agoosto 2022.
© Puntland Post, 2025