
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland ayaa ku guulaystay in ay sii daayaan boqollaal gaadiid xamuul ah oo ku xayirnaa kastamka degmada Xarfo ee gobolka Mudug, kaddib markii halkaasi laga qaaday ciidamo gadoodsan mudda laba 11 cisho ah haystay.
Ciidankan gadoodsan oo ka cabanayay mushaar la’aan ayaa dhawaan qabsaday kastamka Canshuuraha degmada Xarfo, waxaana ay xannibeen isu socodka gaadiidka laamiga dheer ee Garoowe iyo Gaalkacyo, halkaasi, oo ay ku xayireen boqollaal gaadiid xamuul ah oo rar culus ka soo qaaday dekedda Boosaaso.
Wararka ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta dowladdu ku qanciyeen ciidankii gadoodsanaa in ay heli doonaan xuquuqdooda mushaar islamarkaana loo sheegay in ay banneeyaan wadada, si xayiraadda looga qaado gaadiidankan xamuulka ah ee rarka culus ka soo qaaday dekedda Boosaaso oo ku wajahnaa gobollada dhexe ee Soomaaliya iyo dowlad degaanka DDS.
PUNTLAND POST