Calmiskaad: Ciidamada difaaca Puntland oo saaka hawlgal xoogan ka wada togga Baallade

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saaka hawlgal xooggan ka wada jihooyin kala duwan oo kamid ah togga Baallade, halkaasi oo ka sifaynayaan firxadkii argagixisada Daacish oo ku go’doonsan godad kooban.

Hawlgalkan oo ka socda bariga iyo galbeedka togga Baallade ayaa maraya heer geba-gabo ah, waxaana ciidamadu maalmihii la soo dhaafay argagixisada ka saareen inta badan difaacyadii uga samaysnaa ceelal ku yaalla toggaasi oo ay nafta kula soo baxsadeeen markii laga qabtay Taliskii Miraale.

Jimcihii shalay dagaalkii ugu cuslaa oo dhexmaray ciidamada difaaca Puntland iyo firxadkii argagixisada ayaa ka dhacay laba aag oo dhaca togga Baallade, oo uu ku jiro Taliskii Yucrin oo ciidanku si buuxda ula wareegay, sida uu shaaciyay Hawlgalka Calmiskaad.

Hawlgalka saaka ayaa ka socda goobihii u danbeeyay oo ay ku go’doonsan yihiin firxadkii kooxda oo wata dumar iyo carruur, islamarkaana ku urursan dhufaysyo kooban, kaddib markii ciidanku hore uga soo sifeeyay togga Baallade intiisa badan.

PUNTLAND POST