Madaxweynaha Puntland oo Shir la yeeshay odayaasha dhaqanka, cuqaasha iyo Waxgaradka Beesha Warsangeli

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, Cabdirisaaq Axmed Saciid, ayaa Shir la qaatay odayaasha dhaqanka ee Gobollada Sanaag, Haylaan iyo Bari (Warsangeli), oo  ay hoggaaminayaan Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan iyo Suldaan Maxamed Cabdullaahi Cartan.

Shirkan dhexmaray Madaxweyne Siciid Deni iyo odayaasha dhaqanka gobollada Sanaag, Haylaan iyo Bari waxaa ka qeyb galay dhammaan Cuqaasha iyo Waxgaradka Gobolladaasi iyo sidoo kale dhammaan mas’uuliyiin goleyaasha dowladda Puntland ku metela, oo ay ku jiraan wasiiro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

“Shirka ayaa looga hadlay adkeynta midnimada, wadajirka, difaaca dowladdnimada Puntland iyo degaannadeeda iyo dhameystirka Hawlgalka Calmiskaad ee Hillaac iyo u diyaargarowga Hawlgalka Onkod ee Argagixisada Alshabaab looga sifeynayo buuralayda Calmadow. Dowladdu waxay Dhaqanka  iyo waxgaradka ka dhegaysatay sidii loo xallin lahaa tabashooyinka dadka deegaannadaasi qabaan ee dhinacyada horumarka iyo xilalka  Dowladda” siday sheegtay Madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale waxaa Shirka looga hadlay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ka socda Gobolladaasi sida dhameystirka Wadada Ceeldaahir – Ceergaabo iyo hirgelinta mashaariic cusub oo ku imanaya baahiyaha deegaanka, waxaana Shirka uu socon doonnaa muddo saddex maalmood ah.

PUNTLAND POST