
Dowladda Mareykanka oo bayaan kooban soo saartay ayaa ku dhawaaqday abaal-marin dhan $10 milyan oo Dollar iyo dib u dejin, taasi oo la siinayo qofkii keena xog ku saabsan dhaq dhaqaaqa Maaliyadeed ee Daacishta Soomaaliya.
Warkan oo ka soo baxay waaxda Caddaaladda ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu caddeeyay in abaal-marin dhan $10 milyan oo Doollar la siinayo sidoo kalena dib u dejin loo samaynayo qofkii keena xog ku saabsan dhaq dhaqaaqa Maaliyadeed ee Daacishta Soomaaliya.
“ISIS-ta Soomaaliya waa mid ka mid ah faracyada ugu muhiimsan ee ISIS kana hawlgala Afrika, waana mid ka mid ah ilaha ugu waaweeyn ee dakhliga soo galiya iyo xarun maalgelineed oo ay leedahay shabakadaha caalamiga ah ee ISIS” ayaa lagu yiri bayaanka waaxda Caddaaladda ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka.
Dowladda Mareykanku waxay sheegtay in Daacishta Soomaaliya dhaqaalaha ku abuurto habab kala duwan oo ay ku jiraan; canshuur-qaadis, lacag-dhaqid, madax-furasho, burcad-badeednimo, kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo sidoo kale lacagta loo yaqaan cryptocurrency.
PUNTLAND POST