
Guddoomiyaha Baarlamaanka dowladda Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka kowaad, Maxamed Baarri Shire, ayaa maanta magaalada Boosaaso ku soo dhoweeyey wafdi isimmo ah oo ay hoggaaminayaan Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam iyo Suldaan Maxamed Cabdullaahi Cartan.
Guddoonka Baarlamaanka Puntland, Soo dhoweynta wefdiga isimada oo ay hoggaaminayaan Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam iyo Suldaan Maxamed Cabdullaahi Cartan ayaa waxaa kala qayb galay xubno ka tirsan golaha Wakiillada dowladda Puntland, golaha Xukuumadda, maamulka degmada Boosaaso, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada.
Ugu horrayn guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee golaha Wakiillada dowladda Puntland, Maxamed Baari Shire, oo ka hadlay madasha soo dhoweynta, ayaa sheegay in ay si diirran ugu soo dhoweynayaan wafdiga isimada magaalada Boosaaso, isagoo xusay in isimadu yihiin tiir muhiim u ah nabadda, midnimada, iyo wadajirka shacabka Puntland.
Sidoo kale, Isimada dhaqanka oo Soo dhaweyntooda kaddib Warbaahinta la hadlay ayaa u mahadceliyay dhammaan goleyaasha dowladda Puntland oo ay u horreeyaan guddoonka Baarlamaanka iyo shacabkii ku soo dhaweeyay magaalada Boosaaso.
Halkaan ka eeg Sawirada soo dhawaynta









PUNTLAND POST