
Ciidamada difaaca Puntland ayaa maalin ka hor tegey Ceelka Wangable oo hoostaga degmada Qandala ee gobolka Bari, kaasi oo ay ku dhuuman jireen koox ka tirsan mileeshiyaadka Daacish.
Ciidamada oo hawlgal ku tegey Wangable iyo degaannada ku xeeran ayaan wax iska caabbin ah la kulmin, maadaama ay horay uga sii carareen degaanka kooxdii ka tirsanayd Daacish ee halkaasi lagu tuhmayay in ay ku dhuumanayaan, sidaan ka xigganay ilo wareedyo ka tirsan Hawlgalka Calmiskaad.
Ciidamada oo hawlgal baaritaan ah ka sameeyay ceelka Wangable ayaa sheegaya in ay halkaasi ka heleen qoryo ay ka carareen kooxda Daacish, kuwaasi oo si caadi ah u tiirsan, islamarkaana aan la qarin, taasi oo muujinaysa in firxadkii kooxdaasi markan nafta uun la baxsanayaan oo aysan xarrago ku harin.
PUNTLAND POST