
Senetor Ted Cruz oo tirsan xisbiga Jamhuuriga ah ee Maraykanka, ahna guddoomiyaha guddi hoosaadka Arrimaha dibadda ee Senetka u qaabilsan Afrika ayaa warqad uu u diray madaxweyne Donald Trump, wuxu kaga codsaday in uu si rasmi ah u aqoonsado Somaliland in ay noqoto dal madax-bannaan.
“Somaliland waxay noqotay xulafada muhiimka ah ee dhinaca amniga iyo diblomaasiyadda ee Mareykanka, iyadoo ka caawisay Mareykanka inuu horumariyo danaha amniga qaran ee Geeska Afrika iyo meelo ka baxsan. Waxay ku taallaa goob istaraatiiji ah oo ku dhow gacanka Cadmeed, meel u dhow marin-badeedka ugu mashquulka badan dunida.”
“Somaliland waxay leedahay ciidan leh awood wanaagsan, waxayna ka qaybqaadataa hawlgallada ka dhanka ah argagixisada iyo burcad-badeednimada ee gobolka. Waxay ogolaatay in laga furo xafiis wakiilnimada Taiwan caasimadda Hargeysa, waxayna raadineysay inay xoojiso xiriirka ay la leedahay Israa’iil, isla markaana taageerto heshiiska Abraham” ayuu warqaddiisa ku qoray Senetor Ted Cruz.
“Somaliland waxay wajahayaan cadaadis sii kordhaya oo ka imanaya cadawgeeda, sababta ugu weynna waa doorka ay ku leedahay inay noqoto xulafada Mareykanka iyo saaxiibada kale. Xisbiga Shuuciga Shiinaha (CCP) ayaa adeegsanaya cadaadis dhaqaale iyo diblomaasiyadeed si ay u ciqaabaan Somaliland taageerada ay u muujisay Taiwan, isla markaana u wiiqaan taageeradaas” ayuu sii raaciyay senetor Cruz.
PUNTLAND POST