Puntland oo qaramaysay ciidamo beeleed fadhigoodu yahay degmada Badhan ee gobolka Sanaag

Abbaan-duulaha ciidamada Daraawiishta Puntland S/Guuto Xuseen Dheere oo ku sugan gobolka Sanaag ayaa magaalada Badhan ku qarameeyay ciidamo beeleed u dhashay degaankaasi oo ku soo biiray Puntland.

S/Guuto Xuseen Dheere oo maalmahan socdaal ku marayay degaanno ka tirsan gobolka Sanaag ayaa si rasmi ah u qarameeyay cutubyo ka tirsan ciidamada degaanka oo saldhigyo ku leh degmada Badhan kuwaasi oo maray hannaanka diiwaangelinta ciidanka.

Gen. Xuseen Dheere oo hadal kooban u jeediyay ciidankii degaanka ee Puntland qaramaysay ayaa sheegay in ay wixii hadda ka danbeeya heli doonaan xuquuq iyo mushaar lamid ah tan ciidamada difaaca Puntland helaan iyo sidoo kale daryeel dhammaystiran.

PUNTLAND POST